4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 9 , 2013
Wasiirka Gaashaandhigga oo Beeniyay in ay Dowladdu wadahadal kula jirto Sheekh Muktaar Roobow Abuu Mansuur



Talaado, July 09, 2013(HOL) :- Wasiirka gaashaandhigga dowladda federaalka Soomaaliya Mudane C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi ayaa beeniyay in dowladda Soomaaliya ay wadahadallo kula jirto Sheekh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo ka mid ah hogaamiyaasha sare ee Al-shabaab.

Wasiirka gaashaandhigga oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka warqabto khilaafka u dhexeeya hogaanka sare ee Al-shabaab, wuxuuna xusay in ilaa imika aysan jirin wadahadallo rasmi ah oo dhexmaray dowladda iyo Al-shabaab.

Masuulkan ayaa sheegay in ay soo dhaweyn doonaan cid walba oo ka tirsan Al-shabaab oo dooneeysa in ay isu soo dhiibto dowladda Soomaaliya.

“Dowladdu way soo dhaweeyenysaa cid walba oo Al-shabaab ka tirsan oo ka tanasuleeysa dhibaatooyinka ay shacabka ku hayaan,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Masuulkan ayaa sheegay in weli ay soconayaan dadaallada ay dowladda Soomaaliya ku dooneeyso in Al-shabaab ay uga saarto Soomaaliya, wuxuuna xusay in dhawaan ay bilaaban doonaan howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Al-shabaab.

Hadalkan kasoo yeeray wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo xubno kale oo la socday ay isu dhiibeen maamulka Ximin iyo Xeeb ee bartamaha Soomaaliya, waxaana ay arintaasi ka danbeeysay kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay masuuliyiinta ugu sareeysa ee Xarakada Al-shabaab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya