3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 21, 2013
Tartan Isboorti oo lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Beledweyne (SAWIRRO)


Khamiis, February 21, 2013(HOL): Tartan isboorti oo ay ka qeyb galayeen  8 kooxood mudo todobaad ahna ka soconayay Garoonka kubada Cagta lamagalaay ee Magaalada beledweyne ayaa lasoo gaba gabeeyay.

 

 Munaasabad lagu abaal marinayay kooxihii kaalmaha  galay oo lagu qabtay Garoonka Lamagalaay ayaa waxaa kasoo qeyb galay Mas’uuliyiin ka socday maamulka Gobolka,  Saraakiisha Ciidamada Dowlada, iyo Kuwa Amisom ee ka socda Dowlada Jabuuti, Haweenka Gobolka, Dhalinyarada, Odayaasha iyo dhamaan qeybaha Bulshada Gobolka Hiiraan.

 

 Ciyaarta Kama dambeysta ah oo ay isugu soo bexeen laba kooxood ee ka kala socday Xaafadaha Magaalada Beledweyne oo kala ahaa Kooshin A iyo Xaawo Taako B, ayaa waxaa dhex martay ciyaar tii ugu kulu leed intii uu tartanka socday,  iyadoo ugu dambeyntii la isla gaaray gool ku laadyo taasi oo ay guusha ku raacday kooxda Xaawa taako.

 

 Taageerayaasha ciyaarta ayaa waxa ay soo buux dhaafiyeen garoonka ay ciyaarta ka soconeysay iyagoo muujinayay xamaasad iyo sida loogu baahan yahay isdhex galka Bulshada oo nuucaan  ah.

 

 Qudbado gaba gaba ah oo u badnaa amaan iyo dar daaran ayaa goobta waxaa ka jeediyay Mas’uuliyiintii ka soo qeyb gashay tartanka lana socday mudadii todobaadka ahaa ee uu tartanka isdhexgalka bulshada ka soconayay Garoonka kubada cagta lama galaay ee magaalada Beledweyne.

 


Agaasime ku xigeenka SYAO ee Gobolada dhexe C/casiis Wehliye Coofle oo furay hadalka ayaa uga mahadceliyay kooxihii ka qeyb galay iyo taageerayaasha waxa uuna u balan qaaday in SYAO ay Gobolka ka qaban doonto barnamijyo wacyigalineed oo is dhex galka bulshada loogu tala galay.

 

 Ibrahin Macalin C/llahi Madaxa Barnamijyada SYAO oo isna kalmado dhiiri galan u badnaa ka jeediyay goobta ayaa waxa uu si aad ah ugu mahad celiyay Ciidamada Jabuuti ee Amisom qeybta ka ah qaabka ay amaanka gobolka hiiraan gaar ahaan magaalada Beledweyne u qaxiijiyaan, iyo Sida walaaltinimada leh oo ay SYAO uga caawiyeen suurta galinta Barnamijyadeeda.

 

 Kornel Cusman Dubad taliyaha ugu sareeyo ciidamada Amisom ee kasocda Dowlada Jabuuti oo isna qeyb ka ahaa madaxdii la socday oo daawanayah intii uu tartanka socday oo gaba gabada ka hadlay ayaa SYAO uga mahad celiyay barnamijyada muhiimka ah oo ay ka bilaabeen Gobolka Hiiraan.

 


 
Ugu dambeyntii waxaa goobta lagu bixiyay Bilado qaali ah iyo lacago kaash ah kuwaasi oo la guddon siinayay kooxihii kaalmaha galay.

 

 Kaalinta koowaad ayaa waxaa la gudoon siiyay Koob weyn iyo lacag gaareysay 10,000,000 Sh. So. (Toban Malyan Shilin Somali ah) Iyo 12 bilad oo ciyaartoyda la gudoonsiiyay, Kaalinta Labaad waxaa la gudoonsiiyay 5,000,000 Sh. So (Shan  Malyan Shilin Somali), Kaalinta Sadexaadna waxaa la gudoon siiyay 2,000,000 Sh. So. (Labo Malyan Shilin Somali) Halka kaalinta Afraadna la gudoon siiyay Qalab isboorti.

 

 Sidoo kale waxaa Hadiyado iyo Bilado lagu gudoonsiiyay Goobta Kornel Dubad oo ay SYAO gudoon siisay Dhar hido iyo Dhaqan ah sida koofi qurux badan cimaamad iyo Bakoorad, sidoo kale taliyaasha ciidamada qaar kamid ah ayaa bilado iyo Qalab isboorti la gudoon siiyay

 

 Munaasabada Gaba gabada tartanka ayaa ku soo idlaatay jawi nabad galyo, waxa ayna dhamaan ka soo qeyb galayaasha ka dhax leen goobta is dhex gal iyo farxad.











 

Xasan Cali Geeseey

[email protected]

Muqdisho, Soomaaliya













Click here
2/21/2013 12:48 PM EST
Khamiis, Feberaayo 21, 2013 (HOL) — Maxkamadda ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saddex askari ku xukuntay dil iyo xabsi kaddib markii lagu helay inay geysteen falal dil ah, iyadoo mid ka mid ah askarta la xukumay uu dilay wiil yar oo dugsi qur’aan dhiganayay.

2/21/2013 12:46 PM EST
Khamiis, Feberaayo 21, 2013 (HOL) — Shacabka degmada Saylac ayaa ugu baaqay xukuumadda Somaliland inay sugto ammaanka deegaankooda oo koox yar ay isku dayayso inay qalqal geliyaan, haddii kale ay iyagu u istaagi doonaan inay ammaankooda sugtaan.

2/21/2013 10:56 AM EST
Khamiis, Febraayo,19 2013(HOL): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Villa Soomaaliya ku qaabilay Safiirka cusub ay dowladda Japan u soo magaacwday Soomaaliya.

2/21/2013 9:55 AM EST
Khamiis, February 21, 2013 (HOL) - Keith Ellison oo ah xildhibaan kamid ah congresska waddanka Maraykanka oo dhawaan booqday magaalada Muqdisho ayaa shalay galinkii dambe soo gaaray magaalada Nairobi.

2/21/2013 7:25 AM EST
Khamiis, Feberaayo 21, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la kulmay madaxa hay’adda samfalka ee Mareykanka USAID, Mr. Rajiv Shah. Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Mr. James Swan iyo wasiir-u-dowlaha madaxtooyadda Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

2/21/2013 6:55 AM EST
Khamiis, Feberaayo 21, 2013 (HOL) — Xaaladda magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa deggen maanta kaddib markii Talaadadii lasoo dhaafay laga kexeeyay degmadaas guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Bay, C/fitaax Maxamed Geeseey oo horay uga soo horjeestay maamulka ay dowladdu u magacowday Gobolkaas.

2/21/2013 6:19 AM EST
Khamiis, Feberaayo 21, 2013 (HOL) — Kulan looga hadlayAY waxa diinta Islaamku ay ka qabto gabdhaha sida khasabka ah lagu guursado ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana kulankan ka qayb-galay culumaa'uddiin, waxgarad iyo ururada bulshada rayidka ah Soomaaliyeed.

2/21/2013 6:18 AM EST
Khamiis, Feberaayo 21, 2013 (HOL) —Wararka aynu ka heleyno magaalada Liboyo ee ku taal soohdinta ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay saaka aroortii weerar ku qaadeen goob masaajid ah oo ku taal tuulo ku dhow magaaladaasi.

2/21/2013 1:20 AM EST
Khamiis, Feberaayo 21, 2013 (HOL) — Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay askar ka tirsan ciidamada dowladda oo horay loogu xukumay dilal toogasho.

2/21/2013 1:18 AM EST
Khamiis, Feberaayo 21, 2013 (HOL) — Gaadiid kolonyo ah oo ay wateen ciidamada dowladda AMISOM ayaa sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ku jiiray gobolka Shabeellada Hoose, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya.

2/21/2013 12:52 AM EST
Khamiis, Feberaayo 21, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaalia, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa xalay fiidkii kulan kula yeeshay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya Soomaalida ku nool halkaas.