4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 21, 2013
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bay oo laga kexeeyay Baydhabo iyo Xaaladda Magaaladaas oo Maanta Deggen

Khamiis, Feberaayo 21, 2013 (HOL) — Xaaladda magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa deggen maanta kaddib markii Talaadadii lasoo dhaafay laga kexeeyay degmadaas guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Bay, C/fitaax Maxamed Geeseey oo horay uga soo horjeestay maamulka ay dowladdu u magacowday Gobolkaas.

Ciidammo gaar ah oo watay diyaarad kuwa qummaatiga u kaca ah ayaa ka kexeeyay degmada Baydhabo C/fitaax Geeseey, iyadoo howsha ay si rasmi ah ula wareegeen maamulka cusub oo uu guddoomiye u yahay, Cabdi Aadan Hasoow.

“Xaaladdu waa mid deggen, kaddib maalmo kacsanaan ah magaaladana ma joogaan ciidammo dhawaanahan is-barbar-yaacayay, runtiina nabad ayaan dareemaynaa,” ayuu yiri goobjooge ku sugan Baydhabo oo la hadlay HOL.

Sidoo kale, waxaa degmada Baydhabo laga qaaday 120-askari oo booliis ah kuwaasoo ka howlgeli jiray magaalada, waxaana ciidamadaas tababar looga furay maanta dugsiga tababarka booliiska ee Muqdisho.

Magaalada oo maalmahan xiisadi ka jirtay ayay xaaladeedu sii hagaagaysaa iyadoo shacabka degmada Baydhabo ay dareemayaan xasillooni maalmihii lasoo dhaafay aan jirin.

Degmada Baydhabo ayaa waxay ka mid tahay degmooyinkii ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya kala wareegeen Al-sbabaab sannadkii lasoo dhaafay.

Hiiraan Online, Baydhabo