4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 2 , 2013
Maxkamadda Gobolka Banaadir oo dib u dhigtay dacwad loo haysto shan ruux oo ay ku jiraan Wariye iyo Haweeney la kufsaday

Sabti, Feberaayo 02, 2013 (HOL) — Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa dib u dhigtay manta dacwadda loo haysto shan ruux oo ku eedeysan inay ka been abuureen ciidamada dowladda, kuwasoo ay ku jiraan wariye Koronto, haweeney sheegtay inay kufsadeen ciidamada dowladda iyo saddex ruux oo kale, kuwaasoo uu ku jiro sayga haweeneyda la kufsaday.

Xeer-ilaaliyaha maxakmadda gobolka Banaadir ayaa sheegay in dacwadda dib loo dhigay illaa maalinta Talaadada ah ee soo socota, kaddib markii la waayay markhaatiyaal ku filan, dibna loo dhigay illaa shanta bishan.

Dacwad-oogaha ayaa sheegay in wariye C/casiis uu faafiyay warar been ah, sidoo kale haweeneyda la kufsaday ayuu sheegay inay been abuur sameysay inkastoo haweeneyda ay ku adkeysanayso in la fara-xumeeyay.

Seyga haweeneyda iyo laba qof oo iyagana la sheegay inay ku lug leeyihiin dacwadda ayaa lagu oogay inay ku dhiirri-geliyeen haweeneyda inay sheegto in ciidammo ka tirsan dowladda ay kufsadeen.

Wariye C/casiis Koronto iyo eedeysanayaasha kale ayaa iyaguna diiday inay qabaan dacwadda lagu soo oogay, iyadoo qareennada eedeysanayaashan ay ku doonayaan in dambiyada lagu soo eedeeyay aysan qabin.

Lama oga go’aanka ay qaadan doonto maxkamadda gobolka Banaadir, iyadoo dacwaddan ay tahay tii ugu horreysay nooceeda oo maxkamadda gobolka Banaadir ay qabato.

Qaramada Midoobay iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa ku tilmaamay dacwaddan mid aan waddo sax ah ku fadhin, iyagoo maxkamadda weydiistay inay saxdo khaladaadka ka muuqdan dacwaddan. Iyadoo wariye C/casiis Koronto uu xiran yahay tan iyo 10-kii bishii hore iyadoo aan maxakmad la horgeyn.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya