4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 2 , 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dalalka Dibadda ku nool ugu baaqay inay ku laabtaan dalkooda

Sabti, Feberaayo 02, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Britain ayaa ugu baaqay Soomaalida dibadaha ku nool inay dib ugu laabtaan dalkooda, si ay uga qaybqaatan dib u dhiska dalka iyo sugidda ammaankiisa.

Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay Soomaalida ganacsiga ku haysta dalalka ku yaalla qaaradaha dunida in looga baahan yahay inay dalkooda geeyaan si ay uga faa’iideystaan shacabka Soomaaliyeed.

“Dalka Isbedel ballaaran ayaa ka jira, isbedelkuna wuxuu u baahan yahay in laga wada-qayb qaato,” ayuu yiri madaxweyne Xasan oo intaas ku daray in Soomaalida dibadaha jooga aysan sugin in dalkooda loo xasiliyo, balse looga baahan yahay inay qayb ka qaataan.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in kaalmooyinka dibadda ay ka helayaan aysn waxba u tarayn haddii aysan Soomaalidu gacan ka geysan sidii ay dalkooda dib u dhis ugu sameyn lahaayeen.

“Kaalmooyinka caalamka waxba nooma tarayaan haddii Soomaalida aysan ka qaybqaadan sugidda ammaanka dalka iyo dib u dhiskiisa, waayo innaga ayaa leh Soomaaliya ee caalamku ma lahan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Mudane Xasan Sheekh oo ku sugan dalka Ingiriiska ayaa lagu wadaa inuu la kulmo madaxda dalka Britain isagoo kala hadli doona shirka lagu qabanayo bisha soo socota magaalada London, kaasoo looga hadli doono arrimaha dalka Soomaaliya.

Safarrada madaxweynuhu uu ku marayo dalalka caalamka qaarkood ayaa waxaa lagu sheegay inay qayb ka tahay xoojinta xiriirka Soomaaliya kala dhexeeya dalalka caalamka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya