4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 2 , 2013
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somailland oo sheegay in heegan buuxa la geliyay Ciidamada Ammaanka Somaliland

Sabti, Feberaayo 02, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha Somailand, Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in heegan buuxa la geliyay ciidamada Somaliland, si loo adkeeyo ammaanka guud ee deegaannada uu maamulka Somaliland ka taliyo.

Mudane Carraale ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay ammaankooda sugaan isagoo sheegay in sidoo kale ay si aad ah u ilaalin doonaan xarumaha dowladda iyo kuwa xarumaha kale ee dalalka ay saaxiibada yihiin.

“Ciidamada Somaliland heegan ayaa la geliyay si ammaanka loo adkeeyo, waxaana naga go’an inaan ka hortagno wax walba oo dhibaatooyin ah oo la doonayo in laga fuliyo deegaannada Somaliland,” ayuu yiri Duur.

Wasiirku wuxuu sheegay in muhiimadooda koowaad ay tahay sidii ay amni u heli lahaayeen shacabka Somaliland iyo ajaanibta kale ku sugan deegaannada uu maamulkaas ka taliyo.

Dhanka kale, guddoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in deegaanno ka tirsan Somaliland lagu arkay rag ka tisran Al-shabaab, isgoo sheegay in Silaayo iyo xukuumaddiisa looga baahan yahay inay wax ka qabato arrintaas.

“Qaar ka mid ah shacabka Somailland waxay soo sheegayaan in xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu arki jiray Kismaayo ay ku sugan yihiin deegaanno ka tirsan Somaliland, taasina waxay guux fara badan ka dhex-dhalisay shacbka Somaliland,” ayuu yiri Faysal Waraabe.

Hadalka guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID iyo kan wasiirka arirmaha dibadda ee Somaliland ayaa wuxuu kusoo beegmayaa kaddib markii dowladda Britain ay sheegtay in Somaliland ay k dhici karaan falal ammaan-darro.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya