Talaado, December 31, 2013 (HOL) — Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ayaa lagu qabtay maanta kulan ballaaran oo ay kasoo qayb-galeen wariyeyaal kala duwan oo ka howlgala warbaahinnada Muqdisho iyo kuwa gobollada dalka qaarkood.
Kulanka oo ahaa mid aqoon-is-weydaarsi ah oo ayaa yeesheen suxufiyiinta iyo madaxda golaha akadeemiya goboleedka Afka Soomaaliga ayaa looga hadlay sidii ay labada dhinac ay isaga kaashan lahaayeen soo nooleynta afka Soomaaliga iyo sidii arrimahaas ay weriyeyaashu door muuqda uga qaadan lahaayeen.
Guddoomiyaha akadeemiye goboleedka afka Soomaaliga, Maxamed Daahir Afrax oo kulanka ka hadlayay ayaa ka warbixiyay heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay akadeemiye goboleedka Afka Soomaaliga.
Baahida loo qabo in bulshada Soomaaliyeed luqaddooda la gaarsiiyo iyo inay warbaahintu kaalin ka qaadato sidii bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogto loo gaarsiin lahaa Af Soomaaliga.
"Adeegsiga afka Soomaaliga iyo kaalinta saxaafadda ay ka qaadan karto inay bulshada gaarsiiso luqaddooda saxda ah ayay tahay ujeedadda aan kulankan u qabannay,” ayuu yiri guddoomiyaha akadeemiye goboleedka afka Soomaaliga.
Guddoomiye ayaa sheegay in loo baahan yahay sidii Akadeemiyadiisa iyo qaybaha warbaahinta ay u ururin lahaayeen isticmaalka erey-bixinta afka Soomaaliga oo uu sheegay in maanta ereyo badan oo Soomaalidu isticmaali jirtay ay sii lumayaan.
"Dadweynaha Soomaalida ah waxa kaliya ee maanta ka dhaxeeya ama ay ku mideysan yihiin waa luqadda," ayuu yiri Afrax oo xusay in dagaalladii ka dhacay dalka ay burburiyeen goobihii keydka u ahaa taariikhdooda iyo afka Soomaaliga.
Waxaa kaloo isna kulanka ka hadlay ruug cadayaal Saxaafadeed oo uu ka mid yahay Cabdi Xaaji Goobdoon, guddoomiyaha Soomaali Pen laantiisa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, C/naasir Yuusuf Macallin, xoghayaha NUSOJ, Maxamed Ibraahim Bakistaan iyo weriyeyaal kale.
C/naasir Ganey oo ah guddoomiyaha naadiga Somali Pen ee Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa hadal uu jeediyay ku sheegay in naadiga uu soo maray heerar kala duwan, isagoo xisay in waxyaabihii ugu waaweynaa ee naadiga Somali Pen uu qabtay ay ka mid tahay qabashada sannad-guuradii 40-aad ee afka Soomaaliga.
Dhinaca kale, waxaa kulanka ka hadlay, Cabdi X. Goobdoon oo sharraxaad dheer ka bixiyay marxaladihii kala duwanaa ee warbaahintu ay soo martay ka hor intii aan la qorin afka Soomaaliga, isagoo sheegay in weriyeyaasha looga baahan yahay inay macallimiin u noqdaan bulshadooda.
Ugu dambeyn, weriyeyaashii ka qayb-galay kulanka ayaa waxay su'aalo kala duwan weydiiyeen aqoonyahannadii kulanka goobjoogga ka ahayd iyo xubno ka tirsan Akadeemiye goboleedka afka Soomaaliga, iyadoo wariyeyaasha si wanaagsan looga qanciyay su’aalihii ay soo jeediyeen.
Guddoomiyaha Akadeemiye goboleedka afka Soomaaliga, Maxamed Daahir Afrax ayaa kula dardaarmay wariyeyaasha inay door lixaad leh ka qaataan sidii loo gaarsiin lahaa bulshada Soomaaliyeed isticmaalka luqaddooda rasmiga ah.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya