Maxkamadda Magaalada Hargeysa oo Xukuno kala duwan ku riday Rag lagu Qabtay Khamri ay soo galinayeen Magaalada

Talaado, December 31, 2013 (HOL) — Maxkamada gobolka Hargeysa, ayaa xukunno kala duwan ku riday laba nin oo lagu eedeeyey inay dalka Khamri soo galinayeen, isla markaana goob fogaare ah ku daadiyey khamrigii lagu qabtay.

Gudoomiyaha maxkamadda Gobolka Hargeysa Ibraahim Cismaan Axmed (Ibraahim Fanax) ayaa sheegay in labadaasi nin ee loo qabtay Khamriga lagu helay dambiga ah inay Khamri dalka soo galinayeen, kuwaas oo lagu xukumay saddex sanno iyo  saddex milyan oo Somaliland Shilling ah.

Guddoomiyaha maxkamadda ayaa sheegay in ragan lagu qabtay  33 Jirikaan (Caagaddo) oo ah Nooca 30 litir qaadda oo Khamri ah, waxaana kala ahaayeen ragaasi lagu qabtay  Iid Maxamed Xasan oo da’diisu tahay 35 jir iyo Maxamed Buux Haybe oo isaguna da’diisu tahay 35 jir.

Xeer ilaaliyaha gobolka Hargeisa Axmed Cisman Mire, ayaa baaq usoo jeediyey bulshada reer Somaliland in ay ka hortagaan waxyaalaha xun xun ee dhaqankeena iyo diinteena islaamka ka hor imanaya, isla markaana la shaqeeyaan Booliska si dadkaasi wax looga qabto.

Khamriga, ayaa ka mid ah maandooriyeyaasha ka ganacsigiisa iyo cabistiisu ka mamnuuca tahay Somaliland, haseyeeshee  waxa  inta badan koontaranbaan laga soo galiyaa dalka Itoobiya oo ay ku yaalaan wershaddo farobadan oo khamriga sameeya, waxaanay aafaddani beryahan dambe noqotay mid ku soo badatay soo gelintiisu Somaliland, wallow ay bileysku xoogga saaraan sidii ay ula tacaali lahaayeen, iyadoo aad arkayso war walba Khamri la daadinayo oo ragii wadayna la xukumay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland

More News