Talaado, December 31, 2013 (HOL) — Dab khasaare xooggan geystay ayaa xalay ka kacay suuqa xerada IFO oo ka mid ah xeryaha qoxootiga Dhadhaab oo ay ku nool yihiin nus malyun qof oo qoxooti Soomaaliyeed ah.
Goobjooge ku sugan xerada IFO oo u warramayay VOA-da ayaa sheegay in dabkan uu kacay xalay gellinkii dmbe uuna socdo illaa saakay, isagoo xusay in hanti fara badan ay suuqaas ku gubatay.
“Xalay gellinkii dambe ayuu dabku kacay, wuxuuna geystay khasaare hanti oo aad u fara badan. Suuqan waxaa kusii kor-dhayay mid ganacsigiisa oo ay dad badan hantidooda gelinayeen,” ayuu yiri C/raxmaan Ciilmooge Axmed oo ka mid ah dadka ku nool xerada IFO oo la hadlayay VOA-da.
Sidoo kale, Ciilmooge wuxuu sheegay inaan illaa iyo hadda la ogeyn sababta rasmiga ah ee dabka keentay, waxaana uu sheegay in waxyaabaha suuqaas ku gubtay ay ku jiraan kaalimo shidaal oo dhawaan laga hirgeliyay.
“Dhawaanahan waxaa sii kordhayay ganacsiga suuqa, isagoo qaybo badan ka koobnaa, waxaana ka mid ah qaybta raashinka, qaybta shidaalka, tan daawada iyo qaybo kale oo fara badan,” ayuu yiri Ciilmooge.
Ganacsatadii ay hantida kaga gubatay suuqa ayaa la sheegay in qaarkood laga kexeeyay halkaas iyagoo argagaxsan oo si aad ah uga naxay alaabtii kaga gubatay suuqa.
Ugu dambeyn, goobjoogaha ayaa sheegay in laug guuleystay in qayb ahaan dabka la dambiyo, ganacsatada qaarkoodna ay u suurogashay inay alaabo kala baxaan dukaamadoodii iyo bakhaaradoodii intii uusan dabku gaarin.
Ma ahan markii ugu horreysay oo dab noocan oo kale ah uu ka kaco suuq ku yaalla xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya oo ay ku nool yihiin muddo 22-sano ah qoxooti Soomaaliyeed oo tiradoodu ka badan tahay 600,000 oo qof.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya