4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 27, 2013
Kulan lagu dalbanayay in xayiraadda saaran laga qaado Ganacsade, Axmed Nuur Jimcaale oo Muqdisho lagu qabtay

Talaado, August 27, 2013 (HOL) — Kulan ballaaran oo ay kasoo qayb-galeen qaybaha kala duwan ee ururada haweenka Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, kaasoo lagu taageerayay go’aankii 22-kii bishan ay golaha wasiirradu ku dalbadeen in xayiraadda laga qaado ganacsade, Axmad Nuur Cali Jimcaale.

Haweenkan ayaa sheegay in kulankan ujeeddadiisu ahayd in ay codkooda u muujiyaan caalamka, kana dalbadaan in xayiraadda saaran ganacsadahan Soomaaliyeed looga qaado si deg-deg ah, kaasoo horumarinta ganacsiga dalka qayb libaax kasoo qaatay.

Guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed, Batuulo Sheekh  Axmed Gaballe ayaa ka sheekeysay dhibaatooyinkii kala duwanaa ee ay soo martay Soomaaliya, iyadoo xustay in haatan dadka ay fahmeen danahooda.

“Soomaaliya meel kasta oo ay joogto dacwo uma qabto ganacsade, Axmad Nuur, mana jirto cid kale oo dacwo u qabi karta, sababtoo ah waa Soomaali, maxkamad Soomaaliyeed oo haysata ama dacweynaysana ma jirto, sidaasi awgeed waxaan caalamka si adag uga dalbanaynaa in xorriyadiisa la siiyo,” ayay tiri Batuulo.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka hadashay, Canad Xasan Cilmi oo  ah ku xigeenka guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka iyadoo xustay in beesha caalamka aysan ahayn inay xayiraaddiisa ka qaado muwaadinkaasi Somali ah.

“Waxaan ku ammaanaynaa xukuumadda Soomaaliya, go’aanka geesinimada leh ee ay qaadatay, annaguna waan taageereynaa haddii aan nahay haweenka Soomaaliyeed, waxaana caalamka ka codsanaynaa inay aqbalaan go’aanka xukuumadda Soomaaliya,” ayay tiri Canab.

Kulankan ayaa daba-jooga go’aan ay soo saareen golaha wasiirrada 22-kii bishan, kaasoo ay ku dalbadeen in xayiraadda laga qaado ganacsade Axmad Nuur Cali Jimcaale, maadaama wax caddeymo ah lagu waayay eedeymihii horay loogu soo oogay oo la xiriiray argagixiso.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya