4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 27, 2013
Maamulka Gobolka Hiiraan oo Xabad-joojin Dhex-dhigay beelo Dagaal uu ku dhex-maray duleedka Magaalada Baladweyne (SAWIRRO)


Talaado, August 27, 2013 (HOL) — Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ku guuleystay in ay kala qaadan maleeshiyo beelleed dagaal ku dhaxmaray deegaannka Deefoow oo 30-km dhinac W/qooyi kaga beegan magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan kadib markii ay halkaa gaareen mas'uuliyiin ka tirsan maamulka oo ay wehliyaan saraakiil ciidan.

C/llaahi Barre oo ka mid ah saraakiisha ciidamada maamulka gobolka ee tagtay deegaanka lagu dirray oo la hadllay HOL ayaa sheegay in ay xabad joojin kala dhax-dhigeen beelihii halkaa ku dagaallamay, islamarkaana ku guuleysteen in ay kala qaadaan maleeshiyadii uu iska horimaadku dhaxmaray.

“Markii aan tagnay deegaannka Deefoow ugu horeynba xooga saarnay joojinta dagaalka, waxaan kala qaadnay maleeshiyaadii uu iska horimaadku dhaxmaray, sidoo kalana labada dhinac waxaa ugu baaqnay in ay xabad joojiyaan, waana naga aqballeen,'' ayuu yiri C/llaahi Barre.

Waxaa uu intaa ku darray in ay la soo wareegeen hub sida uu sheegay lagu kala furtay dagaallka oo gacanta ugu jiray maleeshiyaadka uu iska horimaadku dhaxmaray, isaga oo intaa raaciyay in odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac kula balleen in wixii khilaaaf ah ee jira lagu dhameeyo wada hadal.

“Waxaa jira hub lagu kala furtay dagaallka, waan la soo wareegnay hubkaa, maamulka ayaana hadda gacanta ku haya, waxaana ku war-galinay labada dhinac in khilaaf kasta oo jira lagu dhameeyo wada hadal, dad dhintay ayaa jira, hanti la kala qaatay ayaa jirta, waxaas oo dhan waxaa laga wada hadllayaa marka labada dhinac isa soo hor fariistaan, inta ka horeysan waxaa ku ballannay in la joojiyo dagaalka iyo gacan hadalka,'' ayuu yiri C/llaahi Barre.

Dagaalka ka dhacay deegaannka Deefoow ayaa salka ku hayay muran la xiriira dhul beereed leysku qabsaday, kaa oo sababay dhimashada ilaa shan ruux oo ka kala tirsan dhinacyadii ay diritrtu dhaxmartay.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa horay u digay dagaal beelleedyada ka dhaca deegaannada gobolka Hiiraan, isaga oo ku baaqay in wax kasta oo jira lagu dhameeyo wada hadal.


C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya