4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 27, 2013
Wasiiradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda dadka Shiinaha (SAWIRRO)


Talaado, August 27, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya ahna wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa shalay magaalada Beijing ee xarunta dalka Shiinaha kula kulantay ra’iisul wasaare ku xigeenka jamhuuriyada dadka Shiinaha, Wang Yan.

Labada mas’uul waxay kaga hadleen shirkooda sidii xiriirkii labada dal loosoo celin lahaa iyo sidoo kale sidii xiriir iskaashi oo cusub uu labada dalka uu u dhexmari lahaa.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Shiinaha ayaa ballan-qaadday kaalmo deg-deg ah inay Soomaaliya siinayaan ayna ka taageerayaan dhinacyada ammaanka, adeegyada bulshada iyo dib u dhiska hay'ada dowladda, isagoo xusay inay badinayaan deeqaha waxbarasho ee ay siiyaan Soomaaliya.

Waxaa kaloo uu raisul wasaare ku xigeenka Shiinaha uu ku dhawaaqay inay safaarradoodii Soomaaliya dib u furanayaan isagoo xusay in la billaabi doono inta uusan sannadkan dhammaan.

Sidoo kale, wasiirradda arrimaha dibada Soomaaliya ayaa iyaduna u ballan-qaadday dowladda Shiinaha inay siinayaan dhul ay ka dhistaan safaaraddii ay Soomaaliya ku lahaayeen, si ay dib uga furaan safaaraddoodii.

Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo ay hoggaaminayso Fowsiyo Yuusuf ayaa booqasho toddobaad qaadatay  ku joogay dalka Shiinaha iyagoo soo maray magaalooyin ay ka mid yihiin dalkaas sida Shangahay iyo Hothot oo ku yaalla bariga Jamhuuriyada dadka Shiinaha.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa maanta oo Tallaado ah kulan la qaadanaysay wasiirka arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda dadka China, Mr Wang Yi, iyagoo kawada hadli doona xiriirka labada dal iyo sidii xiriir cusub oo iskaashi ay u sameysan lahaayeen.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya