Talaado, August 20, 2013 (HOL) — Maxkamadda sare ee dalka Baakistaan ayaa maanta oo Salaasa ah si rasmi ah ugu eedeysay madaxweynihii hore ee dalkaas Berefeez Musharraf, in uu ka dambeeyey dilkii Benaziir Bahuto.
Benaziir Bahuto oo ahayd siyaasi caan ah horayna dalkaas ra'iisul wasaare uga soo noqotay, waxaa lagu diley magaalada Rawal-Bindhi sanadkii 2007, xilli ay ku jirtey ololeheedii doorashada.
Koloneyl Musharraf ayaa iska fogeeyey eedeymaha loo soo jeediyey, wuxuuna ku tilmaamay in ay yihiin kuwo siyaasadeysan. Qareenka Musharraf oo lagu magacaabo Afshaan Caadil, ayaa iyaduna dhankeeda sheegtay in eedeyntaasi ay tahay mid aan cadeymo sugan loo hayn.
Eedeymaha madaxweynihii hore ee dalka Baakistaan loo soo jeediyey waxaa kamid ahaa: dil, amar uu ku bixiyey dil iyo weliba in uu fududeeyey shirqoolkii lagu khaarijiyey ra'iisul wasaarihii hore ee dalkaas Benaziir Bahuto.
Xukuumaddii Baakistaan ee uu hoggaaminayey Musharraf ayaa mas'uuliyadda dilka Benaziir Bahuuto waxay dusha uga tuurtay hogaamiye ka tirsanaa kooxda Daalibaan oo lagu magacaabi jirey Beytullaah Maxsuud.
Maxsuud oo lagu diley duqeyn ay la beegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka, wuxuu kahor intuusan dhiman si adag isaga fogeeyey eedeyntaas. Waa markii ugu horeysey oo eedeyn caynkan oo kale ah loo soo jeediyo mas'uul sare oo xil kasoo qabtay dowladda iyo ciidamada qalabka sida ee dalka Baakistaan.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya
Maxkamadda Sare ee Dalka Baakistaan oo Madaxweynihii Hore ee Dalkaas ku Eedeysay Dilkii Benazir Bahuto
More News
- Markab Sida Deeq Raashin ah oo ka Timid Turkiga oo ku soo Xirtay Dekedda Kismaayo
- Wafdi Ka Socda Qaramada Midoobay oo Maanta Gaaray Degmada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellada Dhexe [SAWIRRO]
- Shir-dhaqameed uu Soo Qabanqaabiyey Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo ka Furmay Magaalada Baladweyne (SAWIRRO)
- Dowladda KMG-ka ah ee Masar ee uu Milaterigu Taageero oo Sheegtay inay xirtay Hoggaamiyaha Ururka Ikhwaanul Muslimiin
- Kulan Looga Hadlayo Barnaamijka Hiigsiga Cusub (New Deal) oo Maanta ka Furmay Magaalada Gaalkacayo [SAWIRRO]
- Al-shabaab oo ka hadlay xiisadaha ka taagan dalka Masar, cambaareynna u jeediyey Milateriga hoggaanka dalkaas haya
- Dowladda Turkiga oo Soo Gabagabeysey Wejigii 1-aad ee Howlaha Samafalka Soomaaliya iyo Wejiga Labaad oo Dhowaan Bilaabmaya