
Talaado, August 20, 2013 (HOL) — Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay ka billaabayso Soomaaliya wajigii labaad ee howlaha samafalka ah ee ay ka waddo Soomaaliya, iyadoo sidoo kale sheegtay in wejigii koowaad uu soo gabagaboobey.
“Turkigu waxay ka caawinayaan Soomaaliya dhinacyo badan oo ay ka mid tahay bani’aadamnimada iyo dib u dhiska. Waxaana dhaqaalaha ku baxaya soo ururiyay shacabka Turkiga,” Ra'iisul wasaare ku-xigeenka Turkiga ayaa sidaas war-fidiyeenka u sheegay.
Sidoo kale, Baker Buzdag ayaa tilmaamay in safarkii uu laba sano ka hor ra'iisul wasaaraha Turkiga Rajeb Dayib Erdogan uu ku tegey dalka Soomaaliya uu ahaa mid taariikhi ah, kaasoo dhabbaha u xaaray in Soomaaliya ay gargaar bani’aadanimo ka hesho Turkiga iyo caalamka intiisa kale.
Ra'iisul wasaare ku-xigeenka Turkigu wuxuu hoosta ka xarriiqay, in xilligan aysan jirin cid Soomaaliya ugu dhimanaysa macaluul iyo dawo la’aan, taas awgeedna ay wajigii hore ee howlgalkooda soo gabagabeynayaan.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga ayaa sheegay in gargaarkii ay siiyeen Soomaaliya ay ku baxday lacag aad u fara badan, isagoo xusay in dowladda Turkiga ay xilligan Soomaaliya ugu talo gashay dhaqaale gaaraya 506.9 milyan oo liiraha Turkiga ah.
Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in ammaanka xarumaha ay ku leeyihiin dalka Soomaaliya sida safaaraddooda aad loo adkeeyey, islamarkaana ay ilaalo xoogan ka hayaan ciidammo ka tirsan kuwa Soomaaliya iyo kuwo ay dowladda Turkiga u dirtay Soomaaliya.
Howlaha samafal ee Turkigu ay kawadaan Soomaaliya ayaa billowday xilli ay Soomaaliya ka jirtay macaluul ka dhalatay abaaro ku dhuftay gobollada dalka Soomaaliya qaarkood, gaar ahaan kuwa Koonfureed, markaasoo dad badan ay kusoo barakaceen Muqdisho.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya