4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 20, 2013
Shir-dhaqameed uu Soo Qabanqaabiyey Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo ka Furmay Magaalada Baladweyne (SAWIRRO)


Talaado, August 20, 2013 (HOL) — Waxaa maanta ka furmay magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan, Shir-weyne loogu magac daray (Shirweynaha dhaqanka iyo wada tashiga beesha Xawaadlle ee Samadoon) kaasoo uu horay ugu baaqay Ugaaska guud ee beesha Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, bilihii ugu dambeeyeyna ay qaban qaabadiisu socotey.

Shirkan oo noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah, waxaa ka qeyb gelaya ergo isaga kala timid dalka gudihiisa iyo dibadiisa, kuwaasoo maalmihii ugu danbeeyay si weyn ugu soo qulqulayey magaalada Baladweyne

Madasha uu shirku ka furmay oo ku taalla duleedka magaalada ayaa waxaa amnigeeda sugaya ciidamada maamulka gobolka Hiiraan oo gacan ka helaya kuwa midowga Africa ee AMISOM.

Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo ay hareero socdaan odayaal dhaqameed ku labisnaa dharka hidaha iyo dhaqanka ayaa ku soo wareegay goobta uu shirku ka furmay, iyagoo booqday aqal-soomaali lagu soo bandhigay agabka hidaha iyo dhaqanka u ah bulshada Soomaalida, kuwaa oo ka tarjumayey ujeedada rasmiga ah ee shirka oo ah mid dhaqan.

Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo ka hadlay shirka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay ujeedada kulanka, isaga oo sheegay in uu yahay mid ay beeshu ku kulmeyso, islamarkaana lagu turxaan bixinayo xaalado badan oo soo kordhay muddadii uu dalku dowlad la'aanta ahaa.

“Waxaan ugu baaqayaa beelaha kale ee Soomaaliyeed in ay is cafiyaan, meel wada fariistaan ka wada hadlaan wixii dhibaato ah ee horay u kala gaartay, iyaga oo xalka u maraya hab dhaqan, leyskana wada hilmaamo wixii dhibaato ah ee horay u kala gaaray,'' ayuu yiri Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif.

Xubnaha shirka ka soo qeyb galay ayaa waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo, guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka C/fitaax Xassan Afrax, xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay shirka oo ay ka mid ahaayeen siyaasiyiin horay xilal uga soo qabtay dowladihii soo maray dalka.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo isagu shirka furay ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay si weyn ugu faraxsan yihiin marti gelinta shir-weynaha dhaqanka, waxaana uu sheegay in maamulka gobolku uu barbar taagan yahay kulanka muddada uu socdo.

Ibraahim Xabeeb Nuur oo horay usoo noqday wasiir iyo xildhibaan ka tirsanaa dowladihii kumeel gaarka ahaa ee dalka soo maray, islamarkaana kamid ahaa marti sharafta shirka ka qeyb qaadaneysa ayaa HOL u  sheegay in ay si weyn ugu faraxsan yihiin ka qeyb galka shirka uu ku baaqay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif, oo sida uu sheegay ah shir ku saleysan oo kaliya dhaqan iyo dib u heshiisiin, isaga oo intaa ku daray in shirkani uu yahay mid bilow fiican noqon kara.

“Shirkan waa shir ballaaran oo uu soo qaban qaabiyay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif annaguna waxaan ka mid nahay siyaasiyiintii lagu marti qaaday shirka, waana ku faraxsannahay, waxanna rajeynayaa in uu noqdo shir marka danbe ku fida  gobollada dariska ah, islamarkaana wax weyn ka tari doona midnimada, dib u hishiisiinta iyo walaaleynta beesha kadibna umadda Soomaaliyeed, iyada oo laga soo bilaabayo dhaqanka,'' ayuu yiri Ibraahim Xabeeb Nuur.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo shirka ka hadlay ayaa isna sheegay in ay siweyn u soo dhaweynayaa shir-weynaha oo sida uu tilmaamay ku dayasho u noqon doona Soomaalida inteeda kale.

“Waa wax wanaagsan in beeshu dhaqan ahaan isku aragto, waayo mudo dheer oo dhibaato iyo colaad lagu jiray ayaa la kala maqnaa, shirku waxaa uu noqonayaa mid wax weyn ka tari doona xoojinta midnimada dib-u-hishiisiinta oo lagu salenayo dhaqanka,'' ayuu yiri guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan.

Marka laga soo tago xubnaha beesha uu shirku u furmay, sidoo kale waxaa jiray marti sharaf kale oo lagu marti qaaday oo ay ka mid ahaayeen Ugaasyada beelaha kale ee dega gobolka, oo iyaguna dhankooda soo dhaweeyay furitaanka shir-weynaha beesha Xawaadle ee maanta magaalad Beledweyne ka furmay.

Maanta ayaa ahayd maalintii ugu horeysey ee shirka la furay, waxaana la fillayaa in maalmaha soo socda si dhab ah loo guda galo ajandeyaasha hor yaalla kulanka. Guddiga qaban-qaabada shirka ayaa HOL u sheegay in qodobada shirka kasoo baxa ay dib war-baahinta uga soo bandhigi doonaan.









C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya