4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 2 , 2013
MADAXWEYNAHA PUNTLAND: "Shaqaaqadii Dadku ku Dhinteen ee Qardho, Waxaa Soo Abaabulay Jen. Cadde Muuse"


 
Jimco, August 02, 2013(HOL)— Madaxweynaha Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa mas'uuliyadda shaqaaqadii ay dadku ku dhinteen ee bishii lasoo dhaafay ee July 14-keedii ka dhacday magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, wuxuu dusha uga tuuray madaxweynihii isaga ka horeeyey Jen. Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde).

 

Madaxweyne Faroole ayaa hadalkan yiri mar uu xalay khudbad ka jeedinayey xaflad ballaaran oo ka dhacday madaxtooyada Garoowe, taas oo lagu xusayey sanadguuradii 15-aad ee kasoo wareegtey markii dhidibada loo taagey maamulka Puntland.

 

"..Baaristii boolisku sameeyeen waxay kusoo baxday in Jen. Maxamuud Muuse Xiris (Cadde) -madaxweynihii aniga iga horeeyey- uu weerarkaas soo qaaday oo uu mileeshiyo beeleed adeegsaday, waana nasiib darro..."

 

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu nasiib wanaag ku tilmaamay go'aanka ay xukuumaddu ku joojisey doorashadii goleyaasha deegaanka, maadaama sida uu tilmaamay ay jireen dad ku howlanaa carqaladeynta doorashada oo isugu jirey kuwo leh dano siyaasadeed iyo dano argagixiso - waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

"waa nasiib wanaag in aan maalintaas go'aan fiican qaadanay, hadii aan ka jwaabi lahayn wax badan ayaa dhici lahaa. Waxan uga turnay in aan dadkayaga dagaal sukeeye gelino. Puntland waxay leedahay cadowyo badan oo degenaanshaheeda iyo midnimadeeda diiddan, kuwaasoo isugu jira kuwo dano siyaasadeed leh, kuwo dano gaar ah leh iyo kuwo dano argagixiso leh.."

 

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ku aadan eedeynta Madaxweynaha Puntland oo kasoo baxay madaxweynihii hore ee Puntland Jen. Cadde Muuse Xirsi. Xogheynta Jen. Cadde oo isaga oo Qardho ku sugan ay HOL khadka telefoonka kula xiriirtay ayaa sheegay in Jeneraalku uu sida ugu dhaqsaha badan arintaas jawaab uga bixin doono.

 

Bishii hore ee July 14-keedii ayey ahayd markii uu magaalada Qardho ka dhacay iska hor imaad ay 4-qof ku dhinteen 3-kalena ku dhaawacmeen oo dhex maray ciidamada dowladda iyo ciidamo beeleed hubeysan, kaddib markii halkaas la gaarsiiyey sanaadiiqdii cod-bixinta. Arintan ayaa sabab u noqotay in isla maalintaas uu madaxweynaha Puntland joojiyo doorashadii goleyaasha deegaanka -oo noqon lahayd tii ugu horeysey ee nooceeda ah ee Puntland ka dhacda- qorshuna ahaa in loo dareero 15-kii July 2013.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online

[email protected]

Puntland, Soomaaliya.