3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 2 , 2013
Sanad-guuradii 15-aad ee kasoo Wareegtay asaaskii Maamulka Puntland oo xalay lagu qabtay Magaalada Garoowe [SAWIRRO]


Jimco, August 02, 2013 (HOL) — Munaasabad ballaaran oo lagu xusayey sanad guuradii 15-aad ee kasoo wareegtey - August 1, 1998- markii la asaasay maamulka Puntland ayaa xalay ka dhacday xarunta madaxtooyada ee Magaalada Garoowe.

Xafladdan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimey, waxaa kasoo qayb galay madaxda ugu sareysa maamulka Puntland; xubnaha labada gole ee baarlamaanka iyo wasiirrada, madaxda dhaqanka iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Qaar kamid ah xubnaha golaha wasiirada ayaa goobta ka jeediyey khudbado ay kaga hadlayeen waxqabadkii wasaaradahooda, sidoo kale waxaa iyaguna goobta ka hadlay qaar kamid ah isimmada caanka ah ee Puntland.

Madaxweyne Faroole oo gabagabadii hadalka qaatay ayaa isna jeediyey khudbad dheer oo uu waxyaabo badan kusoo qaaday. Arimaha uu madaxweynuhu carrabka ku dhiftay waxaa kamid ahaa waxqabadkii xukuumaddiisa iyo halka uu ku danbeeyey geedi socodkii dimuqraadiyadda ee Puntland.

Dr. Faroole ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay aad uga shaqeysay arimo badan oo ay ugu muhuumsan yihiin amniga iyo waxbarashada. Mar uu ka hadlayey xiriirka Puntland iyo Dowladda Federaalka wuxuu sheegay in waxbadan laga badeley Dastuurkii dalka.

Mar uu ka hadlayey shirarka u socda Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland wuxuu sheegay in Puntland ay aad raali uga tahay, haseyeeshee ay lagama maarmaan tahay in ajendayaasha kulamada labada dhinac ay noqdaan kuwo cad oo aan wax mugdi ahi ku jirin.

Kooxda fanaaniinta ee Waaberi Puntland ayaa goobta iyaguna kusoo bandhigay suugaan kala duwan oo isugu jirtey heeso, gabayo iyo riwaayado. Inta badan suugaanta ay kooxda Waaberi xalay soo bandhigtay ayaa ahayd mid ka turjumeysa horumarka Puntland iyo sida ay muhiim u tahay in nabadda iyo midnimada la dhowro.

Xuska 1-da August ee sannadkan ayaa ahaa mid ka duwan kuwii la dhigay dhowrkii sano ee u danbeeyey. Fagaaraha barxadda ayaa horay waxaa uga dhici jirey dabaaldeg ballaaran oo ay ciidadamada qalabka sidaa aad uga dhex muuqan jireen, heseyeeshee dowladda ayaa taas sanadkan baajisey maadaama lagu jiro xilli soon ah cimiladuna ay aad u kulushahay.









Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya













Click here
8/2/2013 11:06 AM EST
Jimco, August 02, 2013— Madaxweynaha Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa mas'uuliyadda shaqaaqadii ay dadku ku dhinteen ee bishii lasoo dhaafay ee July 14-keedii ka dhacday magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, wuxuu dusha uga tuuray madaxweynihii isaga ka horeeyey Jen. Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde).

8/2/2013 11:04 AM EST
Jimco, August, 02, 2013— Kulan magaalada Baladweyne ay ku yeesheen mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ayaa looga wada hadllay arrimo la xiriira nabad-galyada guud ahaan gobolka, gaar ahaa magaalada Baladweyne oo maalmihii ugu danbeeyay ka jireen falal ammaan darro.

8/2/2013 8:15 AM EST
Jimco, August 02, 2013 (HOL) — Doon u rarnayd ganacsato Somaliyeed oo ka shiraacatay dekedda Berbera ayaa la sheegay inay ku dagtay badda u dhexeysa Soomaaliya iyo Yemen. Waxaana doonidan ay wadday xoolo nool oo ganacsi ahaa.

8/2/2013 4:50 AM EST
Jimco, August 02, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa hay’adaha Turkiga ee ku sugan Soomaaliya ku ammaanay inay ka shaqo wanaagsan yihiin kuwa caalamiga ah ee ka shaqeeya gargaarka Soomaaliya.

8/2/2013 2:56 AM EST
Jimco, August 02, 2013 (HOL) — Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Iiraan ayaa sheegay in maamul goboleedka Puntland uu sii daayay toddobaadkan 78-badmaaxe oo u dhashay dalkeeda, kuwaasoo maamulkan uu horay ugu xukumay xabsiyo kala duwan.

8/2/2013 2:28 AM EST
Jimco, August 02, 2013 (HOL) — Xukuumadda Kenya ayaa qorsheynaysa in qoxootiga Soomaalida ah eek u jira xeryaha Dhadhaab ay dalkooda dib ugu celiso, balse Qaramada Midoobay ayaa ka digayso in dib u celinta ay noqoto mid Kenya ay ku qasabto qoxootiga.