4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 2 , 2013
Maamulka G/Hiiraan oo ka hadllay arrimaha ammaanka Gobolka

Jimco, August, 02, 2013(HOL)— Kulan magaalada Baladweyne ay ku yeesheen mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ayaa looga wada hadllay arrimo la xiriira nabad-galyada guud ahaan gobolka, gaar ahaa magaalada Baladweyne oo maalmihii ugu danbeeyay ka jireen falal ammaan darro.

 

Markii uu kulanka soo dhamaaday kadib waxaa warbaahinta la hadllay guddoomiye ku-xigeenka arrimaha nabad-galyada maamulka gobolka Max'ed Ibraahim C/kariin oo sheegay in ay marka hore ka tacsiyeeynayaan geeridii ku timid afhayeenka gollaha odayaasha dhaqanka gobolka nabadoon Xusseen Cilmi Ibraahim oo kooxo hubeysan ku dilleen magaalada Baladweyne gaar ahaan xaafadda Howl-wadaag, isaga oo sheegay in dilka nabadoonka iyo falalkii ka horeeyayba wax u dhimi doonin ammniga ka jira magaalada.

 

''Maalmihii ugu danbeeyay runtii waxaa jiray falal u muuqda kuwo la doonayo in qal qal lagu galliyo ammniga ka jira magaalada, aad ayaan uga xunnahay ka maamul ahaan geerida ku timid nabadoon, laakiin ciidamad mar walba waxaa ay u taagan yihiin ay sugnaa ammniga guud ee magaalada, waxaa jira howlgal adag oo ay ciidamada sameynayaan, kuwaa oo lagu baadi goobayo kooxaha ku dhuumaaleysanaya magaalada si ay markaa ay u geystaan falal ammaanka ka dhan ah,'' ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka.

 

Mar uu soo hadal qaaday iska horimaad xalay ka dhacay furmaha difaaca ciidamada maamulka gobolka Hiiraan, ayuu sheegay in uu ahaa weerar ay soo qaadeen Al-shabaab laakiin sida uu hadalka u dhigay ahaa mid aan  xoog badneyn, waxaana uu intaa ku darray in ciidamada maamulka gobolka siweyn isaga caabiyeen.

 

Shacabka ku dhaqan magaalada Baladweyne ayuu ugu baaqay guddoomiye ku-xigeenka in ay kala shaqeeyaan nabad-galyada ciidamada maamulka gobolka iyo kuwa AMISOM si looga hortago cid kasta oo khatar ku ah ama u socta in ay wax u dhinto nabad-galyada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]

Baladweyne, Soomaaliya.