4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 27, 2013
Madaxweynaha Somalia oo ka warbixiyay kulankii uu Maanta Dhiggiisa Kenya kula qaatay Magaalada Mombasa (SAWIRRO)


Sabti, Abriil 27, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar kooban oo shaqo ku tagay magaalada Mombasa ee dalka Kenya; halkaasoo uu kula kulmay Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda, Fawsiya Yusuf Xaaji Aadam, iyo wasiir-u-dowlaha madaxtooyadda Faarax Sheekh C/qaadir.

“Waxaan fursad u helay inaan madaxweyne Kenya ku wargeliyo shirka Lonodon ee dhici doona toddobaadka soo socda iyo danaha ay Soomaaliya ka leedahay.  Waxaa kaloo aan ka hadalnay arrimo la xiriira arrimaha labada dal ka dhexeeya oo dani ay noogu jirto. Waxaana naga go’an inaan ka wada-shaqeeyno in Bariga Afrika uu noqdo meel horumar iyo nabad leh,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo saaxafadda la hadlay.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay inuu dhiggiisa Kenya kala hadlay in Al-Shabaab iyo fikirkooda wixii wata laga hortago si ayna ugu faafin labada waddan fikirka xagjirnimada ah.

“Burburka soo gaaray Al-Shabaab wuxuu keenay inay billaabaan xasuuqa shacabka, waana taas midda aan labadeennau sida weyn uga doodka iskuna afgarannay in laga hortago,” ayuu hadalkiisa  ku daray.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in isaga iyo Kenyatta ay kawada hadleen sidii ay qaxootiga Soomaaliyeed ugu noqon lahayeen dhulkooda hooyo. Wuxuuna sheegay in la isku afgartay arrintaas, lana billaabo doono howsha dib u celinta marka la la diyaariyo qaab ay qoxootigu dalkooda ugu noqon lahaayeen.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya