4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 27, 2013
Urur Siyaasadeedka Horcad oo qaadacay doorashada golayaasha Deegaanka ee Puntland oo bartamaha sannadkan dhacaya

Sabti, Abriil 27, 2013 (HOL)-- Iyadoo ay muddo koobani ka harsan tahay xilliga la shaaciyey in doorashada goleyaasha deegaanku ay ka qabsoomi doonto –markii ugu horeysey- deegaannada Puntland, ayaa waxaa sii kordheysa tirada urur-siyaasadeedyada qaadacay ka qayb-galka doorashada.

Ururka HORCAD oo kamid ah lixda urur siyaasadeed ee ay guddiga doorashooyinku aqoonsadeen, ayaa maanta ku dhawaaqay in aysan geli doonin doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee soo aaddan.

Qoraal kasoo baxay xafiiska afhayeenka ururka Axmed Yaasiin Saalax, islamarkaana nuqul kamid ahi uusoo gaaray war-qabadka HOL, ayaa lagu sheegay in sababo dhowr ah dartood ururka HORCAD uu doorashada ku qaadacay.

Waxaana ugu muhiimsanaa qodobo ay kamid yihiin: in weli aan lakala xadeyn gobollada iyo degmooyinka; in aan la dhisin maxkamadda dastuuriga ah; in guddiga doorashooyinku uu ka baxay ballamo uu horay u qaaday iyo cabsi ay ka qabaan in doorashada la musuq maasuqo.

Afhayeenka HORCAD ayaa dhinaca kale sheegay in ay horay uga tanaasuleen qodobo ay kamid yihiin: diiwaan gelinta dadka iyo sameynta aqoonsiga codbixiyeyaasha, sidaasna ay yeeleen iyaga oo eegaya danta shacabka.

Horay waxaa iyaguna doorashada u qaaday ururada MIDNIMO iyo UDAD, kadib markii ay sheegeen in la dhinac maray qodobo ku jira xeerka doorashada, la’aantoodna aysan suurtagal ahayn in doorashadu ay noqoto mid hufan.

Saddexda urur ee haray ayaa kala ah, PDP, WADAJIR iyo ururka uu hoggaamiyo madaxweyne Faroole ee HORSEED, waxaana sida ay horay guddiga doorashooyinku u shaaciyeeen ay doorashada goleyaasha deegaanku dhici doontaa 30-ka bisha soo socota ee Juun.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya