4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 27, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo Furitaanka Safaaradda Britain ee Muqdisho ku tilmaamay mid Muujinaysa horumarka la gaaray


Sabti, Abriil 27, 2013 (HOL) — Iyadoo dowladda Britain ay dib Muqdsiho uga furtay safaaraddeedii kaddib 22-sano oo ay xirnayd ayaa madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ku tilmaamay furitaanka safaaraddan tallaabo dhiirigelin u ah in Soomaaliya ay ka baxday colaadihii muddada dheer ay kusoo jirtay ayna u diyaarsan tahay dib u soo celinta Qarannadimii iyo kala dambeyntii.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Britain, William Hague oo safaaradda furay ayaa ku sheegay furintaanka safaaradda inay calaamad cad u tahay horumarka ka muuqda Soomaaliya.

“Tani waxay caddeyn ama calaamad u tahay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay,” ayuu Hague u sheegay wariyeyaal uu la hadlay kadidb markii uu safaaradda xarigga ka jaray.

Dalal badan oo reer galbeed ah ayaa dajireyaal u soo diray Soomaaliya si ay uga furtaan Muqdisho safaarado, kuwaasoo aan weli ku dhiirran inay furaan safaaradahooda, balse Hague ayaa yiri: “Waxaan in tani ay tusaale u noqoto dalalka kale ee caalamka.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo furintaankii safaaradda Britain ee Soomaaliya ayaa ku tilmaamay inay tallaabo geesinimo oo ay Britain horay u qaadday, wuxuuna dalalka kale ee safaaradahoodu ay ku shaqeeyaan Nairobi ugu baaqay inay tallaabadaas oo kale qaadaan.

“Waxaan rajeynaynaa in si dhaqso ah ay calammo kala duwan ay ka babadaan qaybo badan oo Muqdisho ka tirsan,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo intaas ku daray: “Tani waxay muujinaysaa aragtida dunida ee ku aaddan is-bedelka Soomaaliya ka dhacay… Waayo Soomaaliya waxaa ka socda dib u dhis iyo horumar la taaban karo.”

Dowladda Britain ayaa noqonaysa dowladdii ugu horreysay oo reer galbeed ah oo dib uga furta Muqdisho safaaraddeedii kaddib 22-sano oo colaado ay ku jirtay Soomaaliya, waxaana Britain ay rajo weyn ka muujisay dib u soo laabashada deggenaashihii horay uga jiray Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya