4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 18, 2013
Boqoradda Holland oo Abaalmarin Caalami ah Guddoonsiisay Abwaan Max'ed Ibraahim Warsame Hadraawi (SAWIRRO)


Khamiis, Abriil 18, 2013 (HOL) — Safiirka Dalka Holland u fadhiya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Mr. Joost Reintjes, ayaa xalay abaal-marin caalami ah oo ay soo dhiibtay boqoradda dalka Britain Hargeysa ku guddoonsiiyay, abwaanka Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo ka mid ah abwaannada waaweyn ee Soomaaliyeed.

Abaalmarintan waxa bixisa boqoradda dalka Holland Prince Claus waxaanay usoo wakiilatay Safiirka Kenya iyo Soomaaliya u qaabilsan Holland, kaas oo munaasibad weyn oo abaalmarintaasi lagu siinayo abwaanka loogu qabtay hoteel Ambassodor ee magaaladda Hargeysa, waxaana ka soo qaybgalay dadweyne aad u farobadan oo iskugu jira Wasiiro, madaxda xisbiyada siyaasadda, abwaano, qurbo joog iyo marti sharaf kale.

"Abwaan Hadraawi waxa uu hal-abuurnimada ku soo dhex-jiray konkonkii sannadood ee ugu danbeeyey. Waxaana uu sameeyey in ka badan labo boqol oo gabay iyo maanso isugu jira." ayuu yidhi qoraa Siciid Jaamac oo ka mid ahaa dadkii aqoonyahanka ahaa ee lagu soo casuumay xafladda.

Ambassor Joost Reintjes, ayaa isna sheegay inuu ku faraxsan inuu ka soo qaybgalo xafladan abaalmarinta lagu gudoonsiinayey abwaan Hadraawi, waxaanu xusay inuu ila yaraantiisii jeclaa Soomaaliya oo uu iman jiray.

Safiirku waxa uu sheegay inuu abwaanku ka mid yahay hal abuurka caalamka ee ay abaalmariyeen, isla markaana boqorada Holland ay muddo dheer ay siinaysay dadka qaybta weyn ka qaatay horumarinta bulshadda iyo dhaqanka, waxaanu halkaasi ku gudoonsiiyey abaalmarintii caalamiga ahayd ee Maxamed Ibraahim warsame Hadraawi u garatay boqoraddu, isagoo xusay inuu abwaanku horumar weyn ku sameeyey sugaanta soomaalidda.



Abwaanka Hadraawi oo munaasabadda lagu guddoonsiiyay abaalmarinta ka hadlay ayaa u mahadceliyay boqorada Holland ee abaalmarintan u garatay isaga iyo ummadda uu kasoo jeedo ee Soomaaliyeed.

"Waxa ii sharaf ah in boqorada Holland ay aniga iyo ummad aan ka dhashay noogu deeqday.Waxaanay abaal-marintani tahay in aan dadaal wax ku doono. Waayo waa tii la yidhi Raganimo meel cidhiidha ah ayaa lagagala baxaa. Waxa mahad leh Allaaha I siiyey aragtida dheer ee ka fog ku dhaqanka qabyaaladda. Waxaan goostay inaan gogoshayda fidsado oo aan caalamka ku gaadho." Ayuu yidhi Abwaan Hadraawi oo ka hadlayey munaasibadan lagu gudoonsiinayey abaalmarinta caalamiga ah, waxaanu intaas ku daray "Waxa aan ballan qaadayaa inaan dadaalkayga sii kordhiyo. Waxa aan doonayaa inaan Holland tago aniga oo Hadyadan qaali ah u sida boqorada Holand."

Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale, Abwaan Xasan Ganay,Dr.Xuseen Bulxan, wasiirka Waxbarashadda Samsam Cabdi Aadan iyo aqoonyahano kale, ayaa dhamaantood qiray inuu abwaanku horumar weyn ku sameeyey nolosha iyo dhaqanka umadda soomaaliyeed, isla markaana uu sameeyey maansooyin aad u calculus oo dhaxalgal noqday.

Sidoo kale, waxa halkaasi lagu soo bandhigay  buug xambaarsan qaar ka mid ah suugaanta abwaanka oo afka ingiriisiga lagu soo turjumay oo ay ku jireen maansooyin ay ka buuxaan xigmad iyo aqoon si farshaxanimo loo hal abuuray.

Abwaan Hadraawi ayaa inta badan ku mashquulsan wacyigelinta iyo wax u sheega dhalinyarada, waxaana had iyo goor lagu casuumaa jaamacadaha, isagoo ka soo jeediya khudbado uu dhalinyarada uga waramyo nolosha iyo hiigsiga, kuna booriya inay noloshoodda dhisaan waxna ku soo kordhiyaan umaddoodda.


Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland