3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 18, 2013
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo Kulan ay yeesheen Maanta ku Meel-mariyay Sharciga la dagaalanka Argagaxisada


Khamiis, Abriil 18, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda Somalia ayaa kulan ay maanta ku yeesheen xaruntooda Muqdihso waxay ku meel mariyeen sharciga la dagaalanka argagaxisada, sidoo kalena waxay kaga hadleen kulankooda ammaanka.

Shirka golaha wasiirrada ayaa waxaa guddoominayay ra’iisul wasaare, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), waxaana looga hadlay qodobbo badan oo muhiim ahaa, iyadoo warbixinno laga dhageystay ra’iisul wasaaraha iyo xubnihii la galay safarro uu kusoo maray dalalka ay ciidamada Soomaaliya ka joogaan qaarkood.

Intaas kaddib waxaa laga hadlay arrimaha ammaanka dalka, iyadoo halkaas laga sheegay in wasaaradaha arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka iyo wasaaradda gaashaandhigga ay qaadi doonaan tallaabooyin lagu xaqiijinayo amniga gaar ahaan midka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

“Golaha wasiirrada xukuuumadda Soomaaliya, waxay kulankooda maanta ku meel mariyeen sharciga la dagaalanka argagaxisada, kaasoo wax weyn ka bedeli doona xaaladda ammaan ee Muqdisho iyo guud ahaan dalka,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, Ibraahim Isaaq Yaroow oo la hadlay wariyeyaasha kulanka kaddib.

Wasiir ku xigeenku wuxuu sheegay in xukuumadda ay ka go’an tahay sidii ay u sugi lahayd ammaanka guud ee dalka, gaar ahaan Muqdisho, isagoo sheegay in go’aannada lagu gaaray shirkii maanta ay ahaayeen kuwo wax ku ool ah.  

Sidoo kale, kulanka golaha wasiirrada ayaa looga hadlay dib u habeyn lagu sameeyo sharciga shaqaalaha dibadda iyo shaqaalaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, waxayaabihii shirka lagu soo qaaday waxaa ka mid ahaa in dib loosoo nooleeyo bankiga ganacsiga Soomaaliya si looga faa’iideysto maadaama uusan muddo dheer shaqeyn.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliiya













Click here
4/18/2013 1:03 PM EST
Dr.Raabi Waxa Uu Ahaa Halyeey, Soomaali Oo dhan ka baxay. Dr. Omar Osman Raabe wuxuu ku dhashay magaalada Djibouti sannadku markuu ahaa 1946kii.Wuxuuna waxbarashadiisa ku dhamaystay magaalada Jabuuti waqtiyadii Gumeysiga Farinsiisku ka talinayey.

4/18/2013 9:23 AM EST
Khamiis, Abriil 18, 2013 (HOL) — Safiirka Dalka Holland u fadhiya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Mr. Joost Reintjes, ayaa xalay abaal-marin caalami ah oo ay soo dhiibtay boqoradda dalka Britain Hargeysa ku guddoonsiiyay, abwaanka Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo ka mid ah abwaannada waaweyn ee Soomaaliyeed.

4/18/2013 9:08 AM EST
Khamiis, Abriil 18, 2013 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta u magacowday dalka Britain danjire cusub, kaasoo loo magacabay, C/llaahi Maxamed Cali (Sanbololshe), waxaana magacaabistiisa lagu ansixyay kulan ay golaha wasiirradu maanta yeesheen.

4/18/2013 8:11 AM EST
Khamiis, Abriil 18, 2013 (HOL) — Ardaydda kuuliyadda Caafimaadka jaamacadda Hargeysa oo ay wehelinayaan Dhakhaatiir, ayaa goboladda Hargeysa, Gabiley iyo Awdal ka bilaabay hawlgallo baadhitaanno caafimaad ah oo dadka miyiga ku nool lagu siinayo dawooyin iyo baadhitaan bilaash ah.

4/18/2013 8:05 AM EST
Khamiis, Abriil 18, 2013 (HOL) — Xarunta madaxtooyada cusub ee magaalada Garoowe waxaa xalay casho sharaf loogu sameeyey wefdi heer sare ah oo ka socdey Midowga Yurub, kuwaas oo shalay booqasho ku yimid xarunta maamulka Puntland ee Garoowe.

4/18/2013 8:02 AM EST
Khamiis, Abriil 18, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xalay cawayskii la kulmay Ra’isal wasaaraha Ingiriiska David Cameron, kuwaas oo ka wadda hadlay ka qaybgalka shirka London ka dhici doona bisha May ee soo socota.

4/18/2013 8:00 AM EST
Khamiis, Abriil 18, 2013 (HOL) — Masjidka Al-rowda ee magaalada Boosaaso waxaa saaka aqoon isweydaarsi ku aadan “kaalinta ay dhalinyaradu ka qaadan karaan ciribtirka qabyaaladda” loogu qabtay ardeyda wax ka barata dugsiyada sare ee magaalada Boosaaso.

4/18/2013 2:14 AM EST
Khamiis, Abriil 18, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa ku eedeysay hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha caalamka inaysan si simman ugu adeegin bulshada caalamka, iyadoo sheegtay inay qariyaan dhibaatooyinka dunida loogu geysto dadka muslimiinta ah, markii dhibaato loo geysto dadka aan muslimka ahaynna ay aad u qayliyaan.

4/18/2013 2:11 AM EST
Khamiis, Abriil 18, 2013 (HOL) — Qarax miino oo xooggan ayaa aroortii hore ee saakay oo Khamiis ah ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo uu ku dhintay qofkii dhigayay, sida ay sheegeen saraakiisha booliiska Soomaaliya.

4/18/2013 2:07 AM EST
Khamiis, Abriil 18, 2013 (HOL) — Taliyaha Booliska gobolka Sool, Axmed Maxamuud Guutaale ayaa sheegay inay iyagu xireen mas’uuliyiinta shirkadda LESCO ee korontada siisa magaalada kaddib markii ay damiyeen nalalkii ka surnaa magaalada oo lagu sugayay ammaanka.