4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 18, 2013
Booliiska Magaalada Laascaanood oo Xabsiga dhigay Mas’uuliyiinta Shirkadda Korontada bixisa ee LESCO (SAWIRRO)


Khamiis, Abriil 18, 2013 (HOL) — Taliyaha Booliska gobolka Sool, Axmed Maxamuud Guutaale ayaa sheegay inay iyagu xireen mas’uuliyiinta shirkadda LESCO ee korontada siisa magaalada kaddib markii ay damiyeen nalalkii ka surnaa magaalada oo lagu sugayay ammaanka.

Guutaale ayaa sheegay inay illaa habeen hore uu waddahadal u socday mas’uuliyiinta shirkadda iyo guddiga nabadgelyada gobolka Sool, isagoo xusay inay jirin wax weyn oo ay isku diidanaayeen; balse ay caga-jiid ka dareemeen taasina ay keentay inay awood adeegsadaan. 

"Annagaa xirnay mas’uuliyiinta shirkadda korantada Laascaanood, kaddib markii ay ka dhega-adaygeen inay dib u soo celiyaan nalalka ammaanka magaalada lagu ilaaliyo," ayuu yiri Guutaale oo saxaafadda kula kadlay xafiiskiisa Laascaanood.

Tallaabada xariga mas’uuliyiinta shirkadda LESCO ayaa salka ku haysa hanjabaad uga timi cid aan la garanayn, taasoo keentay inay damiyaan inta badan laambadaha ifiya fas-magaalaha Laascaanood habeen hore.

Ciidanka booliska ayaa lagu arkaayay iyagoo xalay saaran gaadiidka shirkaddaas ay leedahay, kuwaasoo xirayay guluubadii la baqtiiyay habeen hore si aysan u dhicin ammaan-darro.

Taliye booliiska Gobolka Sool ayaa sheegay inaanay in badan dansanayn nalala magaalada ifiya, wuxuuna sheegay in la baqtiiyay tiro u dhexeysa 14 nal illaa 15-nal, isagoo intaas raaciyay in dadku ay arrintan si aad ah u buun-buuriyeen.

Mar wax laga waydiiyay haddii khasaare soo gaaro shirkadda oo lagaga dhabeeyo hanjabaadda la sheegay in loo hanjabay ayuu yiri: "Waxaan nahay maamul, waxaanse Ilaahay ka baryayaa inaan waxba ku imaan." Wuxuuna taliyuhu si aad ah uga hadlin hanjabaadda iyo cidda ay ka imaanayso.

Mas’uuliyiinta xiran ee haatan xabsiga ku jira ayaa waxay kala yihiin: madaxii iyo ku xigeenkii shirkadda, Axmed Siciid Cumar iyo Mubaarak Xaaji Faarax. Guddoomiyaha mulkiilayaasha iyo ku xigeenkiisa, Cabdinaasir Maxamed Barre "Abuu-sheyba" iyo Cabdi Cawad Jaamac.

Hadal-haynta hanjabaadda shirkada LESCO ayaa bulshada ku nool degmada Laascaanood waxay uga hadleen siyaabo kala duwan; iyadoo qaar ka mid ah ay sheegayaan inay dhabar-jab ku tahay haddii amar aan la ogayn meel uu ka yimid lagu daminayo korontada magaalada oo dhan; iyagoo ku cilladeyn kara inay dhici karto inay yihiin dad ku ciyaaraya, halka qaar kalena ay qabaan inay tahay mid ay hantidooda ku bad-baadsanayaan.

Si kastaba ha ahaatee, arrintan ayaa ah mid ku cusub dhegaha bulshada ku nool magaalada Laascaanood ee gobolka Sool iyo guud ahaan degaannadda waqooyi, lamana saadaalin karo waxay ku dambayn doonto.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya