3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 30, 2012
Bam lagu Weeraray Kaniisad ku taalla Deegaan ku dhow Xaafadda Islii ee Magaalada Nairoib oo khasaare nafeed geystay
Axad, September 30, 2012 (HOL) — Hal cunug ayaa ku dhintay, shan kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii kooxo aan la garanayn ay bam gacmeed ku tuureen kaniisad ku taalla deegaanka Kamakuunji ee magaalada Nairobi oo ku taallo xaafadda Islii ee ay Soomaalidu deggen tahay.

Afhayeen u hadlay booliiska Kenya oo lagu magacaabo, Charles Owino ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday goob ay caruurtu kaga sugnaayeen Kaniisadda, isagoo sheegay in booliisku ay ku jiraan baaritaanno ku saabsan sida uu qaraxan ku dhacay.

"Weerar ayaa lagu qaaday Kaniisadda St Polycarp's, caruur ayay dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay," ayuu yiri Charles oo ah afhayeenkas u hadlay booliiska dalka Kenya.

Shacab Kenyan ah ayaa rabshado ka sameeyay xaafadda Islii oo ay Soomaalidu ku badan tahay, iyagoo ka careysan weerarka lagu qaaday kaniisadda, iyadoo ay taas keentay in ganacsiga Islii oo dhan la xiro.

"Waxaan uga shakisannahay weerarkan inay geysteen xubno ka tirsan Al-shabaab. Booliisku waxay xireen dhowr qof oo ay uga shakisan yihiin inay weerarkan lug ku lahaayeen," ayuu Owino oo saxaafadda Kenya la hadlayay.

Telefishinnada dalka Kenya ayaa laga arkay saddex qof oo Soomaali ah oo booliisku ay u qabteen qaraxa lagu weeraray Kaniisadda, iyadoo maanta ay tahay maalinta ay dadka masiixiyiinta ah ee Kenya tagaan Kaniisadaha si ay ugu cibaadeystaan.

Weerarkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha dalak Soomaaliya ay qarka u saaran yihiin inay gudaha u galaan Kismaayo oo ah goob ay awood badan ku lahayd Al-shabaab.

Bishii July ee sannadkan ayaa waxaa weerarro lagu qaaday Kaniisado ku yaalla magaalada Gaarisa ee dalka Kenya waxaa ku dhintay 15-qof, iyadoo 66-qof oo kalena ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
9/30/2012 6:21 AM EST
Axad, September 30, 2012 (HOL) — Maraakiib nooca dagaalka oo la sheegay in ay leedahay dowladda Kenya ayaa xalay duqeymo ka geystay gudaha magaalaada Kismaayo, iyadoona aan ilaa imika la garanayn sababta keentay in Maraakiibtu ay duqeeyaan magaalada maadaama ay ka baxeen xoogaggii Al-shabaab ee gacanta ku hayay Kismaayo.

9/30/2012 6:19 AM EST
Axad, September 30, 2012 (HOL) — Boqolaal dadweynaha ah oo deggen degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho ayaa maanta isu-soo-bax weyn ka dhigay degmadaas, kaasoo ay ku taageerayeen guulaha ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ka gaareen dagaalka degmada Kismaayo.

9/30/2012 4:16 AM EST
Axad, September 30, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa saakay toogasho ku dilay mid ka mid ah ciidamada canshuuradaha ee degmada Baydhabo, kaasoo ay ku weerareen meel ku dhow guriisa oo ku yaalla xaafadda Bardaale, sida ay dad goobjoogayaal ah u sheegeen HOL.

9/30/2012 3:48 AM EST
Axad, September 30, 2012 (HOL) — Ururrada bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed ayaa kulan ay ku yeesheen Muqdisho afartii casho ee lasoo dhaafay iyo kulan kale oo ay la qaateen madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxay kasoo saareen warbixin ay kaga hadlayaan aragtidooda ku aaddan xasilinta dalka.

9/30/2012 3:34 AM EST
Axad, September 30, 2012 (HOL) — Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay dagaalka Kismaayo, iyadoo ku tilmaamay in Al-Shabaab laga adkaaday balse ay dhici karto inay dhacaan weerarro gaadmo ah oo ay soo qaadaan.