Qodobbadii ay warsaxaafadeedkooda kusoo saareen ayaa waxay kala ahaayeen:
- Xubnaha ururada bulshada rayidka ah (SCSC) oo ay ku bahoobeen 120 urur in ka badan ayaa waxa kulan uga socday magaalada Muqdisho muddo afar maalmood ah.
- Ururradu waxa ay si adag u canbaareyayaan dilka is daba-joogga ah ee kasoo cusboonaaday Muqdisho maalmahan dambe. Sida hoobiyayaasha lala beegsaday barakacayaasha, falalkii dhawrka ah ee is-miidaaminta ahaa oo dhacay maalmihii la soo dhaafay oo ay ku dhinteen: carruur, haween, waayeel, suxufiyiin iyo dad kale oo aan waxba geysan.
- Inta badan dadkaas waxay ahaayeen ahaayeen dad ku hawlan sidii ay u soo saaran lahaayeen nolol maalmeedkooda.
- Waxa kaloo canbaareynaynaa dilalka lala beegsanayo mas'uuliyiinta taasoo loola jeedo in la demiyo isbedelka iyo iftiinka yar ee ummadda u baxaya.
- Falalkaas foosha xun waxay caddeynayaan in dhagar-qabayaashu aanay dan ka laheyn nolosha iyo jiritaanka shacabka Soomaaliyeed.
- Bulshada rayidka ah waxay ku baaqayaan; in la sugo badbaadinta shacabka ku nool goobaha dhawaan la xoreeyay iyo kuwa ay dagaalladu ka socdaan.
- Bulshada rayidka waxay ku baaqayaan kana soo horjeedaan in carruurta iyo dhallinyarda loo adeegsado dagaallada.
- Waxaa kaloo ay ugu baaqayaan waalidiinta inay ka digtoonaadaan in ilmahooda loo adeegsado fulinta falalka foosha xun ayna ku dadaalaan sidii ay wax u bari lahaayeen.
- Bulshada rayidka ah waxay ugu baaqayaan in dhamaan bulsho-weynta Soomaaliyeed ay ka qeyb-qaataan xasilinta ammaanka iyo dib u dhiska waddanka
- Bushada rayidku waxay tacsi u dirayaan dhammaan qaraabadii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxyadii iyo dilalkii qorsheysnaa ee dhawaanahan ka dhacayay magaalada Muqdisho.
- Bulshada rayidku waxay garab-taagan yihiin dawladda waxayna diyaar u yihiin inay kala shaqeeyaan amniga, nabadda iyo horumarinta qaranka.
- Waxaan soo dhoweynaynaa hirgelinta iyo taaba-gelinta hal-ku-dhiggii madaxweynaha ee ahaa “AMNIGA, AMNIGA, AMNIGA”.
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya