Axad, September 30, 2012 (HOL) — Maraakiib nooca dagaalka oo la sheegay in ay leedahay dowladda Kenya ayaa xalay duqeymo ka geystay gudaha magaalaada Kismaayo, iyadoona aan ilaa imika la garanayn sababta keentay in Maraakiibtu ay duqeeyaan magaalada maadaama ay ka baxeen xoogaggii Al-shabaab ee gacanta ku hayay Kismaayo.
Maraakiibtan oo ku sugan nawaaxiga dekedda Caalamiga ah ee Kismaayo ayaa xalay fiidkii dhowr gantaal kusoo tuuray magaalada, waxaana mid kamid ah gantaalladaasi uu ku dhacay nawaaxiga isbitalka Kismaayo.
Illaa imika lama sheegin wax khasaarooyin ah oo ka dhashay duqeymahaasi, haseyeeshee duqeymaha ay xalay Maraakiibta dagaal ka fuliyeen Kismaayo ayaa cabsi iyo weliwel ku abuurtay shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo.
Dhinaca kale waxa isa soo taraya dilalka loo geeysanayo dadka rayid ah ee ku dhaqan magaalada Kismaayo, waxaana xalay fiidkii gudaha magaalada lagu dilay Nabadoon Jeelle Qaalooti oo si weyn looga yaqaanay magaalada Kismaayo.
"Salaaddii Maqrib kadib ayaa nabadoonka lagu toogtay agagaarka masaajid ku yaal xaafada Aargada oo uu maqrib kusoo tukaday, waxaa toogtay niman baastoolado wato oo weji qarsaday,” sidaa waxa HOL u sheegay Max’ed C/laahi oo kamid ah dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo.
Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa faraha kasii baxaya, waxaana dilka nabadoonkani uu noqonayaa dilkii 6-aad ee gudaha magaalada loogu geeysto qof rayid ah tan markii ay Al-shabaab isaga baxeen Kismaayo.
Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Jen Dhagabadan oo shalay warbaahinta ka hadlay ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ay amar ku siiyeen in aysan gelin magaalada sababa jiro awgood, waxayna arintaasi keeni kartaa in ay kordhaan falalka amni darro ee ka dhacaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya
Maraakiib dagaal oo xalay duqeeyay Magaalada Kismaayo iyo Nabaddoon caan ah oo xalay lagu dilay degmadaas
More News
- Bam lagu Weeraray Kaniisad ku taalla Deegaan ku dhow Xaafadda Islii ee Magaalada Nairoib oo khasaare nafeed geystay
- Dibadbax lagu taageerayo Guulaha Ciidamada Dowlada iyo kuwa Kenya ay ka gaareen dagaalka Kismaayo oo Muqdisho ka dhacay
- Kooxo hubeysan oo Magaalada Baydhabo ku toogtay saakay Askari ka tirsanaa kuwa cashuura Maamulka Gobolka Bay
- Ururrada Bulshada Rayidka oo Warbnixin kasoo saaray kulan Afar Casho uga socday Muqdisho iyo kulan ay la qaateen Madaxewynaha
- Xukuumadda Mareykanka oo ka hadashay dagaalka Kismaayo kuna baaqay in la adkeyo Ammaanka Magaaladaas