10/2/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 30, 2012
Dibadbax lagu taageerayo Guulaha Ciidamada Dowlada iyo kuwa Kenya ay ka gaareen dagaalka Kismaayo oo Muqdisho ka dhacay

Axad, September 30, 2012 (HOL) — Boqolaal dadweynaha ah oo deggen degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho ayaa maanta isu-soo-bax weyn ka dhigay degmadaas, kaasoo ay ku taageerayeen guulaha ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ka gaareen dagaalka degmada Kismaayo.

Dibadbaxan oo qabashadiisa ay iska kaashadeen hay'adda CCD, maamulka degmada Wardhiigley iyo ayaa ururrada haweenka degmadaas ayaa waxaa ka qaybgalay dadweynaha qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Wasiirka arrimaha gudaha, guddoomiyaha gobolka Banaadir, guddoomiyaha degmada Wardhiigley iyo guddoomiyaha haweenka degmada Wardhiigley, ku xigeenka safiirka Jabuuti iyo madax kale ayaa khudbado kala duwan ka jeediyay dibadbaxa iyagoo ka hadlay guulaha ciidamadu ka gaareen dagaalka Kismaayo.


"Guulaha Kismaayo laga gaaray waxay astaan u tahay soo afjaridda Al-shabaab iyo dhagartoodii diin ka been sheegidda ahayd," ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya,Cabdisamad Macallim Maxamuud intaasi raaciyay inay jiraan daldaloollo ay suurogal tahay inay kooxahani uga faa'iideystaan wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ku booriyay inay ka hortagaan.

Sidoo kale; guddoomiyaha gobolka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa khudbad dhinacyo badan halkaasi ka jeediyay, isagoo hoosta ka xariiqay in kooxda Al-shabaab mar haddii Kismaayo ay isaga baxeen ay kusoo laabanayaan magaalada Muqdisho si ay dib uga bilaabaan falalkoodii guracnaa.


Sidoo kale, Tarsan wuxuu xusay in dagaalyahannadii Al-shabaab ee Kismaayo laga ka baxay ay Muqdisho ku dhuumaanayaan, wuxuuna sheegay in shacabka Muqdisho ay soo sheegaan kooxaha dhuumaaleysanaya, isagoo u ballanqaaday qofkii soo sheega Al-Shabaab damacsan inuu fal geysto oo arrintaasina run ay noqoto la siin doono lacag dhan $2000 (Laba Kun Dollar).

Maxamed Cali Jaamac oo ah ku xigeenka safiirka Jabuuri ayaa sheegay in Jabuuti ay ka go'an tahay inay garab istaagaan walaalahooda Soomaaliyeed, wuxuuna intaas ku daray in ciidamadooda jooga magaalada Baladweyne ay caawiyeen.


Xubnihii ka hadlay dibadbaxa waxaa ka mid ahaa: guddoomiyaha degmada Wardhiigley, Deeqo C/qaadir Axmed, guddoomiyaha haweenka gobolka Banaadir, Jawaahir Maxamed Baarqab, afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Yuusuf, kuwaasoo dhammaantood xusay in si wadajir ah looga hortago kooxaha doonaya inay dhibaatooyinka ka sameeyaan Muqdisho.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
9/30/2012 6:36 AM EST
Axad, September 30, 2012 (HOL) — Hal cunug ayaa ku dhintay, shan kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii kooxo aan la garanayn ay bam gacmeed ku tuureen kaniisad ku taalla deegaanka Kamakuunji ee magaalada Nairobi oo ku taallo xaafadda Islii ee ay Soomaalidu deggen tahay.

9/30/2012 6:21 AM EST
Axad, September 30, 2012 (HOL) — Maraakiib nooca dagaalka oo la sheegay in ay leedahay dowladda Kenya ayaa xalay duqeymo ka geystay gudaha magaalaada Kismaayo, iyadoona aan ilaa imika la garanayn sababta keentay in Maraakiibtu ay duqeeyaan magaalada maadaama ay ka baxeen xoogaggii Al-shabaab ee gacanta ku hayay Kismaayo.

9/30/2012 4:16 AM EST
Axad, September 30, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa saakay toogasho ku dilay mid ka mid ah ciidamada canshuuradaha ee degmada Baydhabo, kaasoo ay ku weerareen meel ku dhow guriisa oo ku yaalla xaafadda Bardaale, sida ay dad goobjoogayaal ah u sheegeen HOL.

9/30/2012 3:48 AM EST
Axad, September 30, 2012 (HOL) — Ururrada bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed ayaa kulan ay ku yeesheen Muqdisho afartii casho ee lasoo dhaafay iyo kulan kale oo ay la qaateen madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxay kasoo saareen warbixin ay kaga hadlayaan aragtidooda ku aaddan xasilinta dalka.

9/30/2012 3:34 AM EST
Axad, September 30, 2012 (HOL) — Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay dagaalka Kismaayo, iyadoo ku tilmaamay in Al-Shabaab laga adkaaday balse ay dhici karto inay dhacaan weerarro gaadmo ah oo ay soo qaadaan.