4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 22, 2012
Xulka Kubadda Cagata Soomaaliya ee da'doodu ka yar tahay 17-sano oo ka adkaaday Xulka dhiggiisa ah ee dalka Suudaan

Sabti, September 22, 2012 (HOL) — Xulka Kubada cagta Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 17-ka sano ayaa jimcihii shalay xulka dhigooda ee Suudadn ka badiyay, kaddib markii ay dhexmartay ciyaar ciyaar ka tirsanayd is-reeb-reebka cayaaraha dhallinyarada qaarada Afrika taasoo ka dhacay magaalada Khartuum ee dalka Suudaan.

Cayaarta oo ahayd mid adag ayaa waxaa koox waliba ka go’neyd inay urursato saddexda dhibcood ee loo tartamayay isla markaana ay u soo gudubto wareegga labaad ee is-reeb-reebka, waxaana qaybtii hore ee cayaartu ay kusoo dhamaatay 0-0, inkastoo xaga weerarka ay ciyaartoyda Soomaalidu weerar badnaayeen.

Macallinka xulka qaranka, Maxamed Cabdulle Farayare oo hadlayay markii ciyaarta lasoo gabagabeeyay ayaa sheegay in markii qaybta hore ay dhamaatay uu sameeyay is-badal weyn oo dhanka weerarka ah taasina ay keentay in Soomaaliya ay hesho gool daqiiqadii 78-aad, waxaana goolkaas u saxiixay cayaaryahan Maxamuud Cabdi Nuur oo loo yaqaano Meman.

Cayaaryahankan Maxamuud Meman ayaa kusoo baxay cayaarihii gobollada Soomaaliya ee laba sano ka hor lagu qabtay magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

"Goolka aan xilliga dambe helnay wuxuu meesha ka saaray rajadii dalka Suudaan ay lahaayeen; dhanka kalana wuxuu sare u qaaday xulka Soomaaliya u ciyaaryay. Si kasta oo aan u nahay dad ka yimid dal dagaalo la dageen haddana waxaan aad ugu faraxsannahay guusha aynu gaarnay," ayuu Farayare u sheegay saxaafada.

Sida caadiga ah cayaaraha waxaa loo dheelaa laba jeer, oo lagu kala ciyaarayo labada dal, balse xiriir Soomaaliya iyo Suudaan ayaa ku heshiiyay in hal cayaar lagu qabto Khartuum, sababtoo ah Soomaaliya oo ka dhigatay gurigeeda ku meel gaarka ah dalka Jabuuti ayaan hadda lahayn wax hoggaan ah, iyadoo Soomaaliya aysan ahayn meel martigelin karta ciyaar caalami ah.

Si kastaba ha ahaatee Soomaaliya maanta waxay u soo gudbtay wareegga labaad ee ciyaaraha dhallinyarada Afrika, waxaana 12-ka bisha soo socota ee Oktoobar ay la ciyaari doontaa dalka Al-jeeriya iyadoo lugta labaad ay iyaduna ka dhici doonto isla dalkaas 26-ka Oktoobar.

"Inkastoo wali aan ku dhex jirno dhibaatooyin fara badan oo dalka ka jira haddana xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta waxay dadaal xooggan ku bixiyay sidii kor loogu qaadi lahaa xulalka kala duwan hadii ay ahaan lahaayeen kuwa yar-yar ama kuwa waaweyn, waxaana qabnaa rajo ah in kubadda cagta Soomaaliya ay wax badan iska badalaan sannadaha soo socda," ayuu yiri xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta, Cabdiqani Saciid Carab oo saxaafadda la hadlay.

Wafdiga Soomaaliya waxaa hoggaaminaya Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiino) oo ah xubin ka tirasn guddiga fulinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxayna dalka dib ugu soo laaban doonaan toddobaadka soo socda, iyagoo soo mari doona magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shaafici Muxyadiin Isloow
Khartuum, Suudaan