4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 22, 2012
Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaday Degmada Jowhar iyo Al-shabaab oo dhaqdhaqaaq kawadda degmadaas

Sabti, September 22, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM ayaa gaaray deegaanka Booroow oo 17-km koonfur kaga beegan degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe, iyadoo gudaha degmadaas laga dareemayo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan xoogagga Al-shabaab.

Sarkaal u hadlay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamadooda ay saakay ka dhaqaaqeen deegaanka Qalimoow oo 30-km u jira degmada Jowhar ayna gaareen deegaanka Buuroow oo ku dhow degmada Jowhar.

"Waxaan doonaynaa inaan gudaha u galno degmada Jowhar," ayuu yiri sarkaalka oo la hadlay warbaahinta, isagoo ka gaabsaday inuu ka hadlo xilliga ay doonayaan inay gudaha u galaan degmada Jowhar oo ah degmada labaad ee ugu weyn ee ay Al-shabaab gacanta ku hayso marka laga reebo Kismaayo oo iyadana lagu wajahan yahay.

Goobjoogayaal ku sugan gudaha degmada Jowhar ayaa u sheegay HOL in xoogagga Al-shabaab ay dhaqdhaqaaqyo kawadaan gudaha degmada lana fasaxay dhammaan iskuulladii ku yaalla degmadaas, iyadoo dadkuna ay cabsi weyn qabaan.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa bishii Juun ee sannadkan qabsaday degmada Balcad oo 30-km waqooyi kaga beegan Muqdisho halkaasoo ay xoogagga Al-shabaab gacanta ku hayeen.

Al-shabaab kama aysan hadlin arrintan, iyadoo aan sidoo kalena la ogeyn inay ku dagaalami doonaan gacan ku haynta degmada Jowhar oo ay la wareegeen billowgii sannadkii 2009-kii iyo inay isaga bixi doonaan sidii ay uga baxeen degmooyinkii ka horreeyay sida Baladweyne, Baydhabo, Marko iyo Xudur.

Tan dhammaadkii sannadkii hore ee 2011 ayay Al-shabaab ka baxaysay degmooyin ay ka mid yihiin kuwa magaalada Muqdisho, waxaana tan iyo xilligaas ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay isku ballaarinayeen deegaanno aysan horay u joogin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya