4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 18, 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda Sweden


Talaado, September 18, 2012(HOL): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka horumarinta xiriirka caalamiga ah ee dalka Sweden Gunilla Carlsson iyo xiriiriyaha arrimaha bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay Mark Bowden.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Gunilla Carlsson ayaa ka wada hadlay isbeddelka dalka ka jira iyo doorka beesha caalamka, ayadoo diiradda la saaray in dowladda Soomaliya ay si toos ah ula macaamisho dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah.

“Waxaan aad iyo aad uga wada hadalnay in sidii hore ee Soomaaliya loo kaalmeyn jiray ama loola shaqeyn jiray wax badan laga beddelo oo dowladda si toos ah loola macaamilo, maadaama hadda xilligii ku meel gaarka ahaa aan ka soo baxnay, taasna way ballan qaadeen” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.


Sidoo kale madaxweynaha ayaa kulan la qaatay Xiriiriyaha arrimaha bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay Mark Bowden oo uu uga warbixiyay duruufaha dalka ka jira oo ay ka mid tahay xaaladda Bani’aadamnimada iyo sida ay tahay in loo wajaho.

“Aad iyo aad ayaan ugu faahfahinay uguna caddeynay in wixii ka sokeeya in dowladda toos loola shaqeeyo aysan waxtar badan u lahaaneynin Soomaaliya,  ayaguna way nala qaateen wayna nala fahmeen” ayuu yiri madaxweynuhu.