Talaado, September 18, 2012 (HOL) — Xilli maalmihii ugu danbeeyay ay xiisado dagaal ka taagnaayeen qeybo katirsan gobollada Jubooyinka ayaa magaalada Kismaayo laga dareemayaa jawi kacsanaan iyo barakac xooggan.
Qoysas badan ayaa bilaabay in ay isaga barakacaan magaalada, iyagoona beegsanaya deegaanada gosha ee dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo.
"Magaalada Cabsi ballaaran ayaa ka jirto, waa lagu wareersanyahay sida ay wax u jiraan, Al-shabaab ciidamadii joogay iyo gaadiidkoodii dagaalka way ka saareen magaalada, mana la garanayo sida ay wax noqon doonaan," sidaa waxaa yiri goobjooge magaciisa qariyay oo HOL u waramay.
Sidoo kale waxaa maanta hawada ka maqan idaacadda Andalus ee magaalada Kismaayo, taasoo shalay galabkii hawada ka baxday, waxaana warar hoose oo aan ka heleyno magaalada Kismaayo ay sheegayaan in idaacadda loo raray dhanka degmada Jilib ee gobolka jubada Dhexe.
Dhinaca kale waxaa dagan xaaladda deegaanka birta dheer iyo deegaanada ku xeeran oo ay shalay ka dhaceen dagaallo culus oo dhexmaray ciidamada dowladda, Raaskaambooni iyo kuwa Kenya oo isku dhinac ah iyo xarakada Al-shabaab.
Dagaalkii shalay ka dhacay nawaaxiga deegaanka Birtadheer oo ahaa mid xooggan ayaa lagu soo waramayaa in uu sababay khasaarooyin lixaad leh oo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.
Masuuliyiin u hadashay xoogagga Al-shabaab ayaa sheegay in dagaalkii shalay ay jab xooggan ugu geysteen ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya, waxayna sidoo kale sheegeen in ay soo rideen diyaarad nooca dagaalka oo ay leedahay dowladda Kenya.
Ma jiraan wax war ah oo ku aadan dagaalkii shalay oo kasoo baxay dhanka masuuliyiin dowladda iyo kuwa Kenya, waxaana wararku ay sheegayaan in xaaladda ay saaka tahay mid yara xasiloon walow mararka qaar ay labada dhinac isweeydaarsanayaan madaafiic.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya
Magaalada Kismaayo oo cabsi weyn ay ka jirto iyo Qoysaskii deggenaa Magaaladaas oo cabsi awgeed uga barakacaya
More News
- Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda Sweden
- AMISOM oo sheegtay in ciidammo Booliis ah oo ka socda dalka Nayjeeriya ay ku soo biireen Howlka Midowga Afrika ee Somalia
- Kenya oo sheegtay in Ciidamadeeda iyo kuwa Soomaaliya ay ku dhow yihiin Magaalo Xeebeedda Kismaayo
- Israsaaseyn dhexmaray Askar kawada tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay waxyeello kasoo gaartay Arday
- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh oo iska fogeeyay eedeyn uu u soo jeediyay Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya
- Ururrada Bulshada Rayidka oo ka hadlay sidii gargaarka lagu gaarsiin lahaa dadka ku nool deegaanadii laga saaray Al-Shabaab
- Maamulka Puntland oo ku talisay in Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya laga dhigo ruux ku cusub siyaasadda oo aan xukuumadihii hore ka mid noqon
- Xukuumadda Somaliland oo soo dhoweysay khudbaddii Madaxweynaha Soomaaliya uu kaga hadlay Arrimaha Somaliland