Talaado, September 18, 2012 (HOL) — Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay saddex kalena way ku dhaawacmeen iska-horimaad ciidammo kawada tirsan dowladda Soomaaliya ku dhexmaray maanta oo Salaaso ah inta u dhexeysa isgoyska KM-4 iyo Tarabuunka.
Qofka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa dhammaantood waxay ahaayeen arday kasoo baxay mid ka mid ah dugsiyada sare ee Muqdisho iyadoo aysan jirin waxyeello soo gaartay askartii ay israsaaseyntu u dhexeysa.
"Iskahorimaadku wuxuu u dhexeeyay askari ku hubeysan qoriga AK-47 iyo koox kale oo askar ah, kuwaasoo isaga daba-joogay, waxaana dhintay arday, saddex kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray," ayuu saxaafadda u sheegay goobjooge ku sugnaa halka ay israsaaseyntu ka dhacday.
Goobjoogaha ayaa sheegay in askariga la eryanahay uu soo dhacay jaad fara badan, taasna ay keentay in laga daba-yimaado oo uu dagaalku dhaco, iyadoo ay u suurogashay askarigii dhaca geystay ee lagu la daba-socday inuu goobta ka baxsado.
Dhaawacyadii ardayda ayaa goobta laga qaaday iyadoo maydkii ardayga kalena ay halkii lagu dilay ka qaadeen arday kale oo ay wax wada baranayeen, waxanaa falkan uu imaanayaa iyadoo dalka uu ka baxay xilli KMG ah ayna muuqdaan isbedello xooggan.
Ciidamada dowladda ayaa inta badan lagu eedeeyaa inay dhac geystaan, iyadoo dhowr jeer oo hore ay saraakiisha ciidamadu soo saareen amarro ay ku sheegeen in la ciqaabi doono askarigii dhibaatooyin u geysta dadka shacabka ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Israsaaseyn dhexmaray Askar kawada tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay waxyeello kasoo gaartay Arday
More News
- Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda Sweden
- AMISOM oo sheegtay in ciidammo Booliis ah oo ka socda dalka Nayjeeriya ay ku soo biireen Howlka Midowga Afrika ee Somalia
- Kenya oo sheegtay in Ciidamadeeda iyo kuwa Soomaaliya ay ku dhow yihiin Magaalo Xeebeedda Kismaayo
- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh oo iska fogeeyay eedeyn uu u soo jeediyay Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya
- Ururrada Bulshada Rayidka oo ka hadlay sidii gargaarka lagu gaarsiin lahaa dadka ku nool deegaanadii laga saaray Al-Shabaab
- Magaalada Kismaayo oo cabsi weyn ay ka jirto iyo Qoysaskii deggenaa Magaaladaas oo cabsi awgeed uga barakacaya
- Maamulka Puntland oo ku talisay in Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya laga dhigo ruux ku cusub siyaasadda oo aan xukuumadihii hore ka mid noqon
- Xukuumadda Somaliland oo soo dhoweysay khudbaddii Madaxweynaha Soomaaliya uu kaga hadlay Arrimaha Somaliland