4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 18, 2012
Kenya oo sheegtay in Ciidamadeeda iyo kuwa Soomaaliya ay ku dhow yihiin Magaalo Xeebeedda Kismaayo
Talaado, September 18, 2012 (HOL) — Saraakiisha milateriga Kenya ayaa sheegay maanta oo Talaado ah in ciidamadooda iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay qarka u saaran yihiin magaalo xeebeedda Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose, hakaasoo ay kumannaan qof oo ku noolaa ka barakacayaan.

Ciidamada Kenya ayaa waxay sannadkan billowgiisii ku biireen xoogaga Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasoo dowladda Soomaaliya ka caawinaya dagaallada ay kula jirto Al-shabaab, iyadoo ciidamada Kenya ay tan iyo markii ay soohdinta kasoo tallaabeen ku haminayay inay qabsadaan Kismaayo.

"Al-shabaab waxay ku jirtaa marxaladdii ugu dambeysay," ayuu yiri afhayeenka ciidamada Kenya, Cyrus Oguna oo saxaafadda kula hadlay Nairobi, isagoo intaas ku daray in ciidamadooda iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay ku sugan yihiin deegaanka Janaay-Cabdalla oo Kismaayo kaga beegan dhinaca waqooyi-galbeed.

Maraakiib dagaalka ee Kenya ayuu sheegay in sidoo kale ay ku sugan yihiin xeebta magaaladaas oo saaran badweynta Hindiya, iyadoo Qaramada Midoobay horay u sheegtay inay Kismaayo ku nool yihiin 193,000 oo qof.

"Weerarrada lagu qaadayo Kismaayo waa kuwo dhinaca cirka, badda iyo dhulkaba ka socda," ayuu yiri Oguna oo hadalkiisa raaciyay. "Ma sheegin karo xilli go'an oo aan Kismaayo ku galayno, balse waxaan sheegi karaan oo keliya inay dhow dahay."

Xarakada Al-shabaab ayaa la sheegay inay isaga baxayaan Kismaayo, iyadoo aan la maqlin tan iyo xalay idaacaddii ku hadli jirtay afkooda ee Andulus, taasoo baahin jirtay wararka ku saabsan Al-shabaab iyo dagaallada ay kula jirto ciidamade Kenya iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

"Culeyska saaran waxaa lagu garan karaan iyagoo dambiyay idaacaddii afkooda ku hadli jirtay ee Andulus," ayuu yiri Oguna oo hadalkiisa daba-dhigay. "Al-shabaab waxay sameynayeen wax walba oo ay awoodaan si ay ciidamadeeda uga hortagaan, xitaa waxyaabaha qarxa ayay waddooyinka ku aaseen. Laakiin taasi ma noqon wax na celiya."

Goobjoogayaal ku sugna Kismaayo ayaa laga soo xigtay in mararka qaarkood laga maqlayo degmadaas qaraxyo waaweyn oo aan la garanayn halka ay ka dhacayaan, balse afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali dheere) ayaa sheegay in xoogaggoodu ay jabiyeen kuwii dowladda Soomaaliya iyo Kenya.

Hay'adda qoxootiga adduunka ee UNCHR ayaa sheegtay maanta oo Salaaso ah in dad aad u fara badan ay ka barakacayaan Kismaayo, iyadoo sheegtay inay hayso qiysaasta 4,400 qof oo ka baxay degmadaas si ay uga nabadgalaan colaadaaha kusoo wajahan.

Afhayeenka Milateriga Kenya Oguna ayaa sheegay inay shacabka mar hore ka codsadeen inay ka baxaan magaalada Kismaayo iyo goobaha kale ee laga yaabo in lagu dagaalamo, wuxuuna ka bixitaankaas ku tilmaamay mid ay dadkaas naftooda ku nabadgelinayaan.

"Waxaan shacabka weydiisannay --- ma ahan Kismaayo oo keliya, laakiin goob kasta oo ay dhici karto in lagu dagaalamo inay isaga tagaan, taasoo macnaheedu yahay inaysan dagaalladaas dhibaato kasoo gaarin," ayuu yiri Cyrus Oguna oo kula hadlayay wariyeyaasha Nairobi.

Ugu dambeyn, Oguna wuxuu sheegay in taas ay u yeesheen si aysan Al-shabaab shacabka uga dhigan gabbaad ay madaafiicda kasoo dhex tuuraan. Laakiin xubno ka tirsan saraakiisha dowladda Soomaaliya ee Jubbooyinka ku sugan ayaa shacabka ugu baaqay inaysan guryahooda ka bixin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya