Talaado, September 18, 2012 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa iska fogeeyay hadal kasoo yeeray wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Kenya, Sam Ongeri oo ahaa in Shariif uu ku lug lahaa qarax lagu weeraray hoteel uu magaaladaas ka deggenaa madaxweynaha Soomaaliya toddobaadkii hore.
Shariif Sheekh ayaa shir jaraa'id oo uu Muqdisho ku qabtay ku sheegay inuu horay dacwad ku saabsan in Kenya aysan dhexdhexaad ka ahayn arrimaha Soomaaliya u gudbiyay beesha caalamka, taasna ay tahay sababta keentay in eedeyntan loosoo jeediyo.
"Waan ka weynay inaan madaxda Soomaaliyeed dilo ama u qorsheeyo fal lagu dilayo iyo weliba dhibaateynta qof Soomaali ah. Marka fal noocan oo kale ah uu dhaco waajibka is saaran wuxuu ahaa inaan u gurmado oo aan kasoo saaro halkaas taas ayaana sameeyay," ayuu yiri Shariif Sheekh oo intaas raaciyay in weerarkaas ay sheegatay Al-shabaab sabab isaga loogu soo leexiyana aysan jirin.
Madaxweynihii hore wuxuu shirkiisa jaraa'id ku sheegay in dowladda Kenya aysan ka ahayn dhexdhexaad doorashadii madaxnimo ee Soomaaliya, ayna waddeen ololayaal ay isaga kaga soo horjeedaan, dacwad taas la xiriirtana uu u gudbiyay dallaka ka tirsan kuwa calaamka.
"Intii ay doorashooyinku Kenya waxay wadday dhaqdhaqaaqyo ay aniga iiga soo horjeeddo, dowlado badan ayaana gaarsiinnay arrintaas, markii ay farriintu u tagtay ayuu wasiirka arrimaha dibadda ila soo xiriiray waxaana u sheegay inay meel dhexe ka istaagaan doorashooyinka socda," ayuu Shariif Sheekh, isagoo sheegay inaysan jirin dhaqaale uu weydiistay, sidoo kalena uusan garanayn waxay ku caawin kareen.
Sidoo kale, madaxweynihii hore wuxuu hadalkiisa kasoo baxay wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya ku tilmaamay mid ka baxsan dublamaasiyadda isagoo xusay inuu yahay hadal laga xishoodo, in laga jawaabana ay lagama maarmaan tahay.
Hadalkan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo uu madaxweynihii hore ee Soomaaliya siiyo saxaafadda tan iyo markii uu xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya uu si rasmi ah u wareejiyay Axaddii lasoo dhaafay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh oo iska fogeeyay eedeyn uu u soo jeediyay Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya
More News
- Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda Sweden
- AMISOM oo sheegtay in ciidammo Booliis ah oo ka socda dalka Nayjeeriya ay ku soo biireen Howlka Midowga Afrika ee Somalia
- Kenya oo sheegtay in Ciidamadeeda iyo kuwa Soomaaliya ay ku dhow yihiin Magaalo Xeebeedda Kismaayo
- Israsaaseyn dhexmaray Askar kawada tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay waxyeello kasoo gaartay Arday
- Ururrada Bulshada Rayidka oo ka hadlay sidii gargaarka lagu gaarsiin lahaa dadka ku nool deegaanadii laga saaray Al-Shabaab
- Magaalada Kismaayo oo cabsi weyn ay ka jirto iyo Qoysaskii deggenaa Magaaladaas oo cabsi awgeed uga barakacaya
- Maamulka Puntland oo ku talisay in Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya laga dhigo ruux ku cusub siyaasadda oo aan xukuumadihii hore ka mid noqon
- Xukuumadda Somaliland oo soo dhoweysay khudbaddii Madaxweynaha Soomaaliya uu kaga hadlay Arrimaha Somaliland