9/24/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 18, 2012
Maamulka Puntland oo ku talisay in Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya laga dhigo ruux ku cusub siyaasadda oo aan xukuumadihii hore ka mid noqon

Talaado, September 18, 2012 (HOL) — Maamul goboleedka Puntland ayaa ka digay in loo magacaabo ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya mas'uul horay uga soo mid noqday xukuumadihii dalka soo maray, iyagoo ku taliyeen in lasoo magacaabo ruux cusub oo aan kasoo mid noqon xukuumadihii hore.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda dekadaha Puntland, Cabdishakuur Mire Aadan ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu siiyay idaaadda Risaala oo ka mid ah kuwa ka howl-gala magaalada Muqdisho.

"Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh waxaan ugu baaqaynaa inuu ra'iisul wasaare u soo xusho ruux sidiisa oo kale saaxada siyaasadda Soomaaliya ku cusub," ayuu yiri wasiir ku xigeenka dekedaha maamulka Puntland oo ka mid ah Soomaaliya.

Puntland oo ah maamul ka tirsan Soomaaliya, ayaa waxay horay uga digeen in loo doorto xilka madaxnimo ee Soomaaliya mas'uuliyiintii hore, iyagoo xilligaas ku hanjabay inay qaadan doonaan go'aan iyaga u gaar ah, kaasoo ay ku sheegeen inay aayahooda kaga tashan doonaan.

Ma uusan sheegin wasiir ku xigeenka Puntland in haddii lasoo magacaabo ra'iisul wasaare aysan ku qanacsanayn ay qaadan doonaan tallaabo la mid ah tii ay horay u sheegeen xilligii doorashada madaxweyaha Soomaaliya.

Hadalkan kasoo baxay Puntland ayaa wuxuu imaanayaa xilli lagu wado in dhawaan uu madaxweynaha Soomaaliya soo magacaabo ra'iisul wasaare uu dalku yeesho, inkastoo aan la ogeyn cidda sida rasmiga ah loogu xulan doono xilkaas oo ah mid aad loo sugayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
9/18/2012 11:46 AM EST
Talaado, September 18, 2012(HOL): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka horumarinta xiriirka caalamiga ah ee dalka Sweden Gunilla Carlsson iyo xiriiriyaha arrimaha bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay Mark Bowden.

9/18/2012 9:55 AM EST
Talaado, September 18, 2012 (HOL) — Taliska AMISOM ayaa sheegay maanta in ciidammo booliis ah oo ka soda dalka Nayjeeriya oo isugu jira rag iyo dumar ay kusoo biireen howlgalka Midowga Afrika ee ka socda Muqdisho, kuwaasoo ku biiri doona booliis horay ugu sugnaa Muqdisho oo ka socda dalka Uganda.

9/18/2012 8:40 AM EST
Talaado, September 18, 2012 (HOL) — Saraakiisha milateriga Kenya ayaa sheegay maanta oo Talaado ah in ciidamadooda iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay qarka u saaran yihiin magaalo xeebeedda Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose, hakaasoo ay kumannaan qof oo ku noolaa ka barakacayaan.

9/18/2012 7:54 AM EST
Talaado, September 18, 2012 (HOL) — Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay saddex kalena way ku dhaawacmeen iska-horimaad ciidammo kawada tirsan dowladda Soomaaliya ku dhexmaray maanta oo Salaaso ah inta u dhexeysa isgoyska KM-4 iyo Tarabuunka.

9/18/2012 7:31 AM EST
Talaado, September 18, 2012 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa iska fogeeyay hadal kasoo yeeray wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Kenya, Sam Ongeri oo ahaa in Shariif uu ku lug lahaa qarax lagu weeraray hoteel uu magaaladaas ka deggenaa madaxweynaha Soomaaliya toddobaadkii hore.

9/18/2012 7:06 AM EST
Talaado, September 18, 2012 (HOL) — Ururada bulshada rayidka Banaadir ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxay kaga hadleen sidii gargaar bani'aadanimada lagu gaarsiin lahaa deegaannada Al-shabaab laga saaray iyo sidii looga hortegi lahaa in gargaarkaas la leexsado.

9/18/2012 6:39 AM EST
Talaado, September 18, 2012 (HOL) — Xilli maalmihii ugu danbeeyay ay xiisado dagaal ka taagnaayeen qeybo katirsan gobollada Jubooyinka ayaa magaalada Kismaayo laga dareemayaa jawi kacsanaan iyo barakac xooggan.

9/18/2012 3:00 AM EST
Talaado, September 18, 2012 (HOL) — Xukuumadda Somaliland, ayaa soo dhaweysay hadalkii uu ka yidhi Madaxweynaha Cusub ee Somalia wada hadaladda Somaliland iyo Somalia dhexmari doona.