4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 18, 2012
Xukuumadda Somaliland oo soo dhoweysay khudbaddii Madaxweynaha Soomaaliya uu kaga hadlay Arrimaha Somaliland

Talaado, September 18, 2012 (HOL) — Xukuumadda Somaliland, ayaa soo dhaweysay hadalkii uu ka yidhi Madaxweynaha Cusub ee Somalia wada hadaladda Somaliland iyo Somalia dhexmari doona.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr: Maxamed Cabdilaahi Cumar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hadalkaasi ka soo yeedhay madaxweynaha cusub ee Somalia yahay mid wanaagsan oo ay ka muuqato u fiirsasho weyni.

"Waanu soo dhawaynaynaa hadalka Madaxwaynaha cusub, hadalkiisa waxa ka muuqday taxadar faro badan iyo ka fiirsasho badan, Arintaasi waanu soo dhawaynaynaa,"ayuu yidhi wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Waxa uu intaas ku daray "waxaanu damacsanahay in iskaashi xooglihi dhexmaro (Somaliland iyo Somalia), madaxweynuhu waxa uu sheegay in ahmiyada ugu weyn saarayo hagaajinta amniga iyo nabdgalyada Somalia, Somaliland waxay leedahay nabadgalyo, dimuqraadiyad, khibrad dheer baanu u leenahay sida nabada iyo dimuqraadiyada iyo dawladaynta loo sameeyo, sidaa awgeed wax badan baanu ka tari doonaa waxyaalaha hor yaalla Somalia".

Mar uu ka hadlayey madax banaanida Somaliland waxa uu sheegay inuu yahay mid shacabku goosteen, waxaanu yidhi" xoriyadda iyo madax banaanidda Somaliland waa mid shacabku goostay oo uu xaq u leeyahay, midnimadii lixdankiina halka laga wadayey waxay ahayd Somaliland, imika Somaliland baa taariikh badan oo dhacdy dan u aragtay inay madax banaanaadaan, arrintaasi waa arrin qaran, haseyeshee wax yaalo badan ayaa dhexmari kara Somaliland iyo Somalia iyo mandaqada geeska afrika".

"Qaabka madaxweynaha Somalia doodiisa ka muuqatay miyir iyo ka fiirsasho iyo taxadar siyaasi ah oo loo baahan yahay, haseyeeshee madaxbanaanidda Somaliland waa mid ku salaysan rabitaanka shacabka Somaliland, waxaan jecelnahay in arrintaasi garowshiiyo ka bixiso, eegana waxa kale ee ka weyn ee labadda dhinac dhexmari karta ee dhaqaale leh, nabadgalyo leh siyaasad leh iyo iskaashi farobadan leh"ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirku waxa uu sheegay in midnimada ay timid Shacabka Somaliland, kaas oo doonayey buu yidhi soomaali weyn, balse hadafkaasi markii uu suurogali wayday ayey Somaliland xornimadeedii dib ula soo nnoqotay, isagoo arrintaasi tilmaamayana waxa uu yidhi " Midnimadu waxay ahayd mid ka yimid shacabka Somaliland kuwaas oo doonayey wax la yidhaa Somali weyn, oo baadigoobkeedda lagu jiray midawgaasina waxa uu ahaa wado loo marayey shanta Somali weyn, waxaana muuqata in hadafkaasi barigaa la lahaa waxay taariikhdu tilmaamaysaa in aanay suurtagal ahayn wakhtigan"

Si kastaba ha ahaaatee, dadweynaha Somaliland ayaa iyaguna dhankoodda ka soo dhoweeyey hadalkaasi ka soo yeedhay madaxweynaha cusub ee Somalia Xasan Sh. Maxamuud, kuwaas oo ku tilmaamay inay ka turjumayso khibradda uu u leeyahay arrimo badan oo uu xog ogaal u yahay, isla markaana mudaddii dheereed ee uu dalka joogay wax badan ka bartay hab dhaqan dhaqaaale ee dadweynaha Soomaaliyeed, kaas oo uu wax badan ka qaban karo.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland