3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 11, 2012
Dadweynaha Somaliland oo si weyn u hadal hayey doorashaddii madaxtinimo ee xalay Muqdisho ka dhacday

Talaado, September , 11, 2012 (HOL)-Dadweynaha Somaliland oo maalmihii u dambeeyey hadal hayey doorashaddii ka dhacaysay magaaladda Muqdisho ayaa mucjiso ku tilmaamay madaxweynaha cusub ee ka soo dhexbaxay musharaxiintii badnaa, iyago intooda badani u saadaalinayey musharaxiin kale inay u dhow yihiin inay tartanka ku guulaystaan.

 

Madaxweynahan cusub Xasan Sheekh Maxamuud oo siyaasadda ku cusub ayaa mar kaliya ka soo mudhay musharaxiintii la tartamayey, kaas oo markii la arkay dardarta uu leeyahay iyo sida uu uga wada badiyey musharaxiintii kale ay dadku is waydiiyeen hal mar Xasan Sheekh Maxamuud inuu dawladihii hore ku jiray iyo inuu siyaasadda hore ugu jiray  iyo taariikhdiisii hore si ay u bartaan madaxweynahan cusub, haseyeeshee wareegii labaadba inta aanu bilaabmay waa la hayey Xasan Sheekh Maxamuud ka uu yahay iyo in aanu siyaasadda Somalia hore ugu jirin.

 

 “Horta arrintani waxay ahayd wax mucjiso ah musharaxintii aan islahaa way u dhowaan karaan muu ahayn oo mar kaliya uun baa arkay inuu tartanka isagoo sheikh shariif in yar u jira”ayuu yidhi Maxamuud Xuseen oo aragtidiisa ka dhiibanyey tartanka doorashadda.

 

Cabdiqaadir Axmed Cajab oo isna aragtidiisa ka dhiibanayey waxa uu yidhi “ Horta waxaan jecelahay isbedelka iyo dimuqraadiyada, marka maaha inuu qofna kursiga inta uu doono uu jooga, marka waa fursad fiican isbedelkuna waa muhiim, marka isbedelkas dartii uun baan ku taageeraya madaxweynaha cusub”

 

Dadweynaha badan ayaa iyaguna aad u taageersanaa musharaxa laga guulaystay ee Sheekh Shariif oo ku taageerayey wada hadalkii Somalialnd iyo Somalia dhexmaray iyagoo aaminsanaa haddii nin kale yimaado inuu hakad kaliyo.

 

“anigu waxaan ka mid ahaa ragii taageersanaa Sheekh Shariif waxaan ku taaagersanaa wada hadalkii bilowga ahaa ee Somaliland iyo Somalia dhexmaray, waxaan aaminsanahay inuu sheikh shariif mid kasta oo yimaada u dhaamayey xaga Somaliland, balse nin kale oo yimaada waxba kama ogola halka ay marayeen wada hadalkii iyo qaababka loo bilaabay”ayuu yidhi Mawliid Maxamed.

 

“Doorashadani waxay fursad u tahay shacabka soomaaliyeed, waxaana Somalia doorasho ugu dambaysay 45 sanadood ka hor, oo doorasho waxa ugu dambaysay madaxweynihi Cabdirashiid Cali Sharmaarko, waxaanay Somalia soo martay 21 sano oo kalitalinimo ah iyo 21 sanno oo burbur iyo dagaal lagu jira, markaa waa fursad qaali ah, dal markii ugu dambaysay ay doorasho ka dhacdo 1967 ka dib, oo  maanta doorasho xalaal ahi ka dhacdo maanta waa wax lagu farxo runtii”ayey tidhi Nimco Muxumed oo ka faaloonaysay doorashooyinkii shalay ka dhacay Somalia.

 

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha cusub ayaa dad badan u arkeen mid si lama filaan ah ku yimid, waxaanay inta badan dadweynaha Somaliland ka eegayeen musharaxiinta tartamaysay waxay ka aaminsan yihiin Qadiyadda Somaliland, waxaanad arkaysay dadkoo is waydiinaya markii uu musharaxa ahaa khudbadii uu ka jeediyey  baarlamaanka waxa uu ka yidhi Somaliland iyo markii uu guulaystay waxa uu ka yidhi Somaliland, iyagoo qaarkoodna aad usoo dhoweeyeen hadalkii uu halkaas ka jeediyey..

 

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 

[email protected]

Hargeysa, Somaliland













Click here
9/11/2012 5:39 PM EST
Talaado, September , 11, 2012 (HOL)-Madaxweynaha Somaliland Md: Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, ayaa u hambalyeeyey madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Md: Xasan Sheekh Maxamuud, waxaanu sidoo kale hambalyo klae u diray madaxweynihii tartanka lagaga guulaystay ee Sheekh Shariif Sh. Axmed oo Aqlabay natiijaddii doorashadda ka soo baxday.

9/11/2012 5:38 PM EST
Talaado, September 11, 2012(HOL): Shacabka ku dhaqan xaafadda ay Soomaalidu ku badantahay ee Eastleigh ayaa si diiran usoo dhaweeyay madaxweeynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max'uud.

9/11/2012 9:34 AM EST
Talaado, September, 11, 2012 (HOL)- Jaamacadda Geeska (International Horn University) ( IHU), ayaa waxa ka qalinjabiyey dufcadii 3aad oo kuuliyaddo kala duwan ka baxay, waxaana kuuliyadaha kala duwan ugu muhiimsanaa kuuliyadda quraanka kariimka ah oo markii ugu horaysay 49 arday ka qalinjabiyeen oo ka mid ah 130 ka arday ee jaamacadda ka baxay.

9/11/2012 7:20 AM EST
Talaado, September 11, 2012 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inuu aqbalay natiijadii doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliya, taasoo looga guuleystay, wuxuuna xusay inuu la shaqeyn doono dowladda cusub ee la dhisayo.

9/11/2012 7:09 AM EST
Talaado, September 11, 2012 (HOL) — Dibadbax lagu taageerayo madaxweynaha cusub ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe, iyadoo ay halkaas isugu soo baxeen kumannaan qof.

9/11/2012 7:06 AM EST
Talaado, September 11, 2012 (HOL) — Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda KMG, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo isgarabsanaya iyo Xarakada Al-shabaab ayaa goordhow ka qarxay deegaan lagu magacaabo harboole oo hoostaga Degmada Afmadow ee gobolka jubada hoose.

9/11/2012 7:03 AM EST
Talaado, September 11, 2012 (HOL) — Laga soo bilaabo subaxnimadii hore ee maalintii shalay ilaa laga soo gaaro fiidnimadii xalay dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan waxaa ay siweyn ugu mashquulsanaayeen la socoshada doorashadii ka dhacday magaalada Muqdisho, iyaga oo si toos ah ugala socday qalabka warbaahinta sida TV-da iyo Idaacadaha oo si toos ah u soo gudbinayay.

9/11/2012 4:07 AM EST
Talaado, September 11, 2012 (HOL) — Qaramada Midoobay, Marekanka iyo Midowga Afrika ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyagoo ku tilmaamay doorashadiisa tallaabo horay loo qaaday.