Talaado, September 11, 2012 (HOL) — Dibadbax lagu taageerayo madaxweynaha cusub ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe, iyadoo ay halkaas isugu soo baxeen kumannaan qof.
Dadweynaha ayaa ku qaylinayay erayo ay ku taageerayaan doorashada uu kusoo baxay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo wareeggii ugu dambeeyay ee doorashada ku helay 190-cod, halka uu helay madaxweynihii hore oo ay tartamayeen 79-cod.
"Waxaan soo dhaweynaynaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, waxaana ka rajeynaynaa inuu noqdo mid dalka iyo dadka anfaca," ayay ahaayeen hadallo ay dadka isku soo baxay ku sheegayeen codad dhaadheer.
Mas'uuliyiinta dowladda ee gobolka Shabeellada dhexe oo dadweynaha qaarkood la hadlay ayaa sheegay in madaxweynaha cusub uu wax badan ka qaban doono xaalka uu dalku ku sugan yahay.
Degmada Balcad ayaa waxay ka mid tahay degmooyinkii ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ay Al-shabaab ka qabsadeen bartamihii sannadkan, waxayna ka mid noqonaysaa degmooyinka laga dhigay dibadbaxyada taageerada ah.
Sidoo kale, degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxaa iyadana tan iyo xalay ka dhacayay dibadbaxyo lagu taageerayo madaxweynaha cusub ee Somalia loo doortay, iyagoo dadweynaha degmadaas ku tilmaamay doorashada mid si xaq ah ku dhacday.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Mudaaharaadyo lagu Taageerayo Madaxweynaha Soomaaliya oo ka dhacay Degmada Balcad ee Gobolka Shabellada Dhexe
More News
- Madaxweynaha Somaliland oo soo dhoweeyey madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya, ilaahayna u baryey inuu xilka u fududeeyo
- Soomaalida ku Nool Magaalada Nairobi oo si diiran usoo dhaweeyay Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya (DAAWO VIDEO)
- Dadweynaha Somaliland oo si weyn u hadal hayey doorashaddii madaxtinimo ee xalay Muqdisho ka dhacday
- Jaamacadda Geeska oo xaflad u qabatay 130 arday oo ka qalinjabisay
- SHARIIF SHEEKH AXMED: "Natiijada doorashada waa mid aan ku qanacsanahay waana la shaqeyn doonaan xukuumadda Soomaaliya"
- Dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya, kuwa Kenya iyo Al-shabaab oo ka Qarxay Gobolka Jubbada Hoose
- Dadka ku nool Magaalada Baladweyne oo soo dhaweeyay doorashada madaxweynaha cusub kuna tilmaamay isbadal taariikhi ah
- Qaramada Midoobay, Mareykanka iyo Ururka Midowga Afrika oo soo dhaweeyay doorashada Xasan Sheekh Maxamuud