Talaado, September 11, 2012 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inuu aqbalay natiijadii doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliya, taasoo looga guuleystay, wuxuuna xusay inuu la shaqeyn doono dowladda cusub ee la dhisayo.
Shariif Sheekh oo muddo saddex sano iyo bar ah madax ka ahaa dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya ayaa looga adkaaday wareeggii ugu dambeeyay ee doorashada madaxweynimo, isagoo ka mid ahaa 21 murashax oo xilka looga guuleystay.
"Natiijadii doorashada waan aqbalay, waxaana horay dhowr jeer u sheegay inaan aqbali doono natiijo walba oo doorashada kasoo baxda, wayna iga go'an tahay inaan la shaqeeyo dowladda la dhisayo," ayuu yiri Shariif Sheekh.
Madaxweynihii hore wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in dowladdii uu hoggaaminayay ay dalka soo gaarsiiso heer la is-dooran karo, wuxuuna sheegay in wax walba oo talo ah oo la iiga baahdo uu dhiibi doono, balse uusan noqon doonin mid dowladda sanka ka ka geliya taladiisa.
"Waxaan u hambalyeynayaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud," ayuu yiri Shariif Sheekh oo sheegay in wixii maanta ka dambeeya uu ku wareejin doono xilka dalka madaxweynaha la doortay.
Xasan Sheekh ayaa wuxuu noqonayaa madaxweynihii saddexaad oo si xor ah loogu doorto Muqdisho tan iyo markii ay xorowday Soomaaliya, waxaana madaxweynayaashii ka horreeyay: Aadan Cabdulle Cismaan iyo C/rashiid Cali Sharma'arke oo labadaba geeriyooda lagu doortay gudaha dalka iyadoo ay doorteen baarlamaannadii Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
SHARIIF SHEEKH AXMED: "Natiijada doorashada waa mid aan ku qanacsanahay waana la shaqeyn doonaan xukuumadda Soomaaliya"
More News
- Madaxweynaha Somaliland oo soo dhoweeyey madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya, ilaahayna u baryey inuu xilka u fududeeyo
- Soomaalida ku Nool Magaalada Nairobi oo si diiran usoo dhaweeyay Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya (DAAWO VIDEO)
- Dadweynaha Somaliland oo si weyn u hadal hayey doorashaddii madaxtinimo ee xalay Muqdisho ka dhacday
- Jaamacadda Geeska oo xaflad u qabatay 130 arday oo ka qalinjabisay
- Mudaaharaadyo lagu Taageerayo Madaxweynaha Soomaaliya oo ka dhacay Degmada Balcad ee Gobolka Shabellada Dhexe
- Dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya, kuwa Kenya iyo Al-shabaab oo ka Qarxay Gobolka Jubbada Hoose
- Dadka ku nool Magaalada Baladweyne oo soo dhaweeyay doorashada madaxweynaha cusub kuna tilmaamay isbadal taariikhi ah
- Qaramada Midoobay, Mareykanka iyo Ururka Midowga Afrika oo soo dhaweeyay doorashada Xasan Sheekh Maxamuud