3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 11, 2012
Jaamacadda Geeska oo xaflad u qabatay 130 arday oo ka qalinjabisay


Talaado, September, 11, 2012 (HOL)- Jaamacadda Geeska (International Horn University) ( IHU), ayaa waxa ka qalinjabiyey  dufcadii 3aad oo kuuliyaddo kala duwan ka baxay, waxaana kuuliyadaha  kala duwan ugu muhiimsanaa kuuliyadda quraanka kariimka ah oo markii ugu horaysay  49 arday ka qalinjabiyeen oo ka mid ah 130 ka arday ee jaamacadda ka baxay.

 

Munaasibad balaadhan oo loo sameeyey qalinjabinta waxa ka soo qaybgalay madaxweyne ku xigeenka Somaliland, wasiirada waxbarashadda, Maaliyadda, Diinta iyo Awqaafta, marti sharaf iyo ardayda qalinjabisay.

 

Sidoo kale, waxa xafladda ka soo qaybgalay Sheekh Cabdalla Binu Cali oo ka mid ah culimadda waaweyn ee Islaamka, Isla markaana ah xoghayaha ururka caalamiga ah ee xifdinta quraanka,kaas oo ardayda ugu bushaareeyey in ardayda quraanka dhamaystay uu u diri doono jamaacaddo kale oo quraanka laga barto si ay mastar degree iyo wax ka sareeya u soo qaadan lahaayeen.

 


Ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay gudoomiyaha jaamacadda Sheekh Almis Sh. Yaxye X. Ibraahim oo ka waramay maraaxiilkii kala duwanaa ee ay jaamacaddu soo martay iyo halka ay maanta taagan tahay, waxaanu si gaar ah u xusay kuuliyadda quraanka kariimka ah lagu baranayo oo uu sheegay in geeska afrika oo dhan ay tahay jaamacadda kaliya ee lagu baran karo xiftinka quraanka kariimka, kaas oo afar sanno ay baranayeen, isagoo uga mahadnaqay sheikh Cabdalla Binu Cali oo ah isagu aasaasay kuuliyadda nasiibna u helay inuu qalinjabintoodda ka soo qaybgallo.

 

Sidoo kale, laba arday oo ka mid ah ardaydii ka qalinjabisay jaamacadda ayaa iyaguna madasha ku soo bandhigay aqoontii ay barteen, waxaanay af carabi iyo soomaali ku tuseen dadweynihii xafladda qalinjabinta ka soo qaybgashay muhiimadda aqoontii ay jaamacadda ka kasbadeen.

 

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Axmed Cabdilaahi, wasiirka Maaliyadda, Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wasiirka waxbarashadda iyo tacliinta sare Marwo:Samsam Cabdi Aadan, wasiir ku xigeenka waxbarashadda Md: Cali Xaamud Jibriil ayaa dhamaantood ardayda qalinjabiyey u rajeeyey mustaqbal fiican iyo inay dadkooda ka qaybqaataan horumarkooda iyo waxay soo barteen inay uga faa’iideeyaan aqoontoodda.

 


Sheekh Cabdalla Bani Cali oo ah xoghayaha guud ee ururka  xifdinta quraanka kariimka ee islaamka oo isna madashaasi ka hadlay ayaa u mahadceliyey madaxweynaha Somaliland, madaxweyne  ku xigeenka, wasiiradda goobta yimid, waxaanu ardayda dhamaystay kuuliyadda quraanka kariim ah u balanqaaday inuu jaamacaddo dibadda ah u diri doono si ay shahaadooyinka labaad u soo qaadan lahaayeen, korna ugu qaadi lahaayeen barashadda quraanka kariimka ah.

 

Ugu dambeyntii madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Md: Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),ayaa ardayda qalinjabiyey ku booriyey inay wadankooda wixii ay barteen uga faa’ideeyaan, isla markaana aanay niyad jabin haddii ay hore shaqo u waayaan, balse ku dadaalaan sidii aqoonta ay barteen uga faa’iidaayaan dadkooda.

 

Wasaaradda waxbarashadda ayaa sheegtay in dugsiyadda sare ay sanadkan ka bixi doonaan ilaa lix kun oo arday, halka jaamacadaha oo ka kooban 17 jaamacadood ay ka bixi doonaan arday gaadhaysa ilaa saddex kun oo arday, kuwaas oo u baahan buu yidhi in la meeleeyo si aanay suuqa u galin.

 


Sidoo kale, waxa iyana xaflad balaadhan loo sameeyey 305 arday oo ka qalinjabiyey jaamacadda GOLLIS ee magaaladda Hargeysa, kaas oo xaflad heer sare ah loo sameeyey.

 

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
9/11/2012 5:39 PM EST
Talaado, September , 11, 2012 (HOL)-Madaxweynaha Somaliland Md: Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, ayaa u hambalyeeyey madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Md: Xasan Sheekh Maxamuud, waxaanu sidoo kale hambalyo klae u diray madaxweynihii tartanka lagaga guulaystay ee Sheekh Shariif Sh. Axmed oo Aqlabay natiijaddii doorashadda ka soo baxday.

9/11/2012 5:38 PM EST
Talaado, September 11, 2012(HOL): Shacabka ku dhaqan xaafadda ay Soomaalidu ku badantahay ee Eastleigh ayaa si diiran usoo dhaweeyay madaxweeynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max'uud.

9/11/2012 5:36 PM EST
Talaado, September , 11, 2012 (HOL)-Dadweynaha Somaliland oo maalmihii u dambeeyey hadal hayey doorashaddii ka dhacaysay magaaladda Muqdisho ayaa mucjiso ku tilmaamay madaxweynaha cusub ee ka soo dhexbaxay musharaxiintii badnaa, iyago intooda badani u saadaalinayey musharaxiin kale inay u dhow yihiin inay tartanka ku guulaystaan.

9/11/2012 7:20 AM EST
Talaado, September 11, 2012 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inuu aqbalay natiijadii doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliya, taasoo looga guuleystay, wuxuuna xusay inuu la shaqeyn doono dowladda cusub ee la dhisayo.

9/11/2012 7:09 AM EST
Talaado, September 11, 2012 (HOL) — Dibadbax lagu taageerayo madaxweynaha cusub ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe, iyadoo ay halkaas isugu soo baxeen kumannaan qof.

9/11/2012 7:06 AM EST
Talaado, September 11, 2012 (HOL) — Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda KMG, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo isgarabsanaya iyo Xarakada Al-shabaab ayaa goordhow ka qarxay deegaan lagu magacaabo harboole oo hoostaga Degmada Afmadow ee gobolka jubada hoose.

9/11/2012 7:03 AM EST
Talaado, September 11, 2012 (HOL) — Laga soo bilaabo subaxnimadii hore ee maalintii shalay ilaa laga soo gaaro fiidnimadii xalay dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan waxaa ay siweyn ugu mashquulsanaayeen la socoshada doorashadii ka dhacday magaalada Muqdisho, iyaga oo si toos ah ugala socday qalabka warbaahinta sida TV-da iyo Idaacadaha oo si toos ah u soo gudbinayay.

9/11/2012 4:07 AM EST
Talaado, September 11, 2012 (HOL) — Qaramada Midoobay, Marekanka iyo Midowga Afrika ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyagoo ku tilmaamay doorashadiisa tallaabo horay loo qaaday.