4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 11, 2012
Qaramada Midoobay, Mareykanka iyo Ururka Midowga Afrika oo soo dhaweeyay doorashada Xasan Sheekh Maxamuud
Talaado, September 11, 2012 (HOL) — Qaramada Midoobay, Marekanka iyo Midowga Afrika ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyagoo ku tilmaamay doorashadiisa tallaabo horay loo qaaday.

Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha arrimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga ayaa sheegay in doorashadan ay caddeyn u tahay howlo badan oo lasoo qabtay si Soomaaliya ay uga gudbtoxilliga KMG ah.

"Maanta dadka Soomaaliyeed waxay cagta saareen jidka nabadda iyo barwaaqada. xildhibaanada Soomaaliyeed waxay si degan oo sharaf iyo u fiirsi leh u dhameeyeen xilligii ku-meel-gaarka, waxayna si buuxda u doorteen Xasan Sheekh Maxmuud inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya. Habka doorashadu waxay ahayd mid Soomaalidu leedahay una wada dhan tahay. Doorashadu waxay martay laba wareeg oo si hufan oo cad looga daawanayay adduunka oo dhan. Habka doorashu waxay ahayd mid ku dhacday si nabadeed oo dimuqraadi ah. haddaba dadka Soomaaliyeed waxay beeniyeen shakigii laga qabay, waxayna farriin adag oo horumar leh u gudbiyeen Afrika iyo dhammaan adduunka intiisa kale," ayuu yiri Mahiga.

Dajiruhu wuxuu sidoo kale yiri: "Waxaan soo marnay jid dheer oo aad u dhib badan si aan u soo gaarno halka aan hadda joogno. Muddo hadda laga joogo hal sano iyo xoogaa ayaa waxaa hakad galay geeddi-socodka nabadda. Hay’adihii dowladda oo shaqayn waayay ayaa keentay inay dowladda KMG Soomaaliya ku dhowaato inay laba u kala qaybsanto. Tan iyo maalmahaas adkaa waxaa la gaaray horumar aad u ballaaran."

Wafula Wamunyinyi oo ah ku xigeenka ergayga Midowga Afirka ee arrimaha dalka Soomaaliya, ayaa isaguna yiri: "Doorashadan waa mid muhiimado badan leh. Waxaan rumeysanahay inay tahay mid ku timid kaalin mug leh oo ay ciyaareen shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiintooda taasoo lagu xaqiijinayo horumarka dalka. Doorashadan ma ahan oo keliya in lagu doortay madaxweyne balse waa mid caddeyn u ah in dalka uu ka baxay xilligii KMG ahaa," ayuu yiri ku xigeenka ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaailya, Wafula Wamunyinyi.

Sidoo kale, Wamunyinyi wuxuu sheegay in beesha caalamka uu ka dalbanayo inay sii joogteeyaan taageeradii ay Soomaaliya siin jireen, wuxuuna intaas ku daray in AMISOM ay sii wadi doonto taageerada ciidan ee Soomaaliya ay u joogto.

"Shaki kama qabo in madaxweynaha la doortay uu xoogga saari doono dib u dhiska iyo xoojinta hay'adaha dowladda Soomaaliya iyo kaabayaasha bulshada, AMISOM diyaar ayay u tahay inay arrimahaas oo dhan ka caasiwo," ayuu Wafula hadalkiisa kusoo gabgabeeyay.

Dhanka kale, dowladda Mareykanka ayaa ku tilmaantay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya mid u dhacday si dimuqraadiyad leh oo soo afjartay xilligii meel ku gaarka ahaa, waxaana mid caddeynaysa in dalka uu ku taallabsaday horumar weyn.

"Madaxweynaha cusub waxaa saaran mas'uuliyad weyn. Mareykanka wuxuu ugu yeerayaa hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay kasoo baxaan mas'uuliyadda saaran. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubnaha baarlamaanka oo dhan inay si dhow iskula shaqeeyaan, ayna xoojiyaan nabadda iyo deggenaashaha dalka si ay dadweynaha Soomaaliyeed u helaan nolol wanaagsan," ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Mareykanka.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo 57-jir ah ayaa waxaa lagu doortay cod aqlabiyad ah isagoo helay 190 cod, halka madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed uu helay codad gaaraya 79-cod.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya