4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 10, 2012
Soomaalida ku nool caalamka dacalladiisa oo isha ku haya doorashada Madaxnimo ee Maanta ka dhacaysa Magaalada Muqdisho
Isniin, September 10, 2012 (HOL) — Iyadoo la filayo in maanta magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya oo ay u taaganyihiin ku dhowaad ilaa 25 musharax ayaa Soomaalida ku dhaqan dalka gudihiisa iyo dibadiisa waxa ay isha ku hayaan warbaahinta Soomaalida ee soo tabinaysa qaabka ay u dhaceyso doorashada.

Soomaalida ku dhaqan guud ahaan gobollada dalka Soomaaliya iyo daafaha caalamka ayaa maanta siweyn ula socda doorashada ka dhaceeyso magaalada Muqdisho, waxa ayna dadka Soomaaliyeed rajo wanaagsan ka muujinayaan mustaqbalka Soomaaliya, iyadoona ay sidookale isha ku hayaan cida loo dooran doono hogaanka dalka.

“Walaahi aad baan uga rajo qabnaa in wadanka uu ka dhici doono isbadal wanaagsan, hada waa uu muuqda, waxaan Alle ka rajeyneynaa in la doorto masuul daacad ah oo ka damqada dhibaatada ku habsatay umadda Soomaaliyeed,” sidaa waxa yiri Ibraahim Faarax oo kamid ah Soomaalida ku dhaqan magaalada Nairobi ee dalkooda uga soo cararay dagaallada.

Inta badan Soomaalida ku dhaqan caalamka ayaa rajo wanaagsan ka qaba in wadanka uu ka bixi doono dhibaatadii uu kusoo jiray sanadaha badan, wallow ay jirto cabsi ay dadka qaar ka muujinayaan dhibaatooyin ka dhasha doorashada maanta ka dhaceyso Muqdisho.

“Waa maalin taariikhi ah maanta, maxaa yeelay gudaha dalka ayay doorashadu ka dhaceysaa, waxaa  cad in la gaaray xilligii uu dalka ka dhici lahaa isbadal, waxaanna Alle ka rajeyneynaa in dalka Soomaaliya uu ka saaro burburka ay ku qaangaareen caruurteena,” sidaa waxa yiri Mohamed Ibraahim Ali oo kamid ah waxgaradka ku dhaqan magaalada Nairobi.

Magaalada Muqdisho oo ay maalmihii u danbeeyay ka socdeen ololeyaal ballaaran oo dhanka doorashada ah oo ay wadeen musharixiinta u taagan xilka madaxtinimo ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa maanta la filayaa in ay ka dhacdo doorashada madaxtinimo ee dalka, iyadoona mudanayaasha baarlamanku ay dooran doonaan madaxweeynaha dalka Soomaaliya.

Doorashadani ayaa ah tii ugu horeeysay ee ka dhacda gudaha dalka tan iyo wixii ka danbeeyay burburkii dowladii hore ee Soomaaliya, waxaana guud ahaan umadda Soomaaliyeed ay ka dhursugayaan cida ay dooran doonaan xildhibaanada Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya