![]() |
Taliye ku-xigeenka qaybta Booliska gobolka Bari Axmed Yuusuf Muuse (Jaqanaf) ayaa sheegay in dadkan oo markoodii hore ka baxay deegaanka (Buruc iyo Bacaad) oo qiyaastii 10km magaalada Boosaaso dhinaca bariga kaga beegan ay muddo 4 beri ah badda saarnaayeen, lagana soo helay meel u dhow magaalada Cadan ee dalka Yemen.
Wuxuuna intaas ku daray in daryeel wanaagsan oo quudin iyo mid caafimaad isugu jira loo fidin doono, islamarkaana loo diyaariyey goobo ay ku nastaan inta ay kasoo kabsanayaan dhibaatadii soo gaartay mudadii ay badda dul sabeynayeen.
Sidoo kale waxaa xabsiga loo taxaabay 4 nin oo dadkaas kamid ah, kadib markii ay Boolisku ogaadeen in ay yihiin kuwii doonta wadey ee wax tahriibinayey, waxaana la sheegay in dhowaan maxkamad lasoo taagi doono.
Ciidamada NATO ayaa dhinaca kale howlo caafimaad oo baaritaan iyo daaweyn isugu jira ka fuliyey degmooyin ka tirsan gobolka Bari, waxayna noqonaysaa markii ugu horeysey ee ay dhinaca beriga soo gaaraan.
Ololahan caafimaad oo ay ka faa'iideysteen dad ay tiradoodu 100 kor u dhaafeyso ayaa sida uu sheegay agaasimaha guud ee howlgalada la dagaalanka Burcad-badeeda Puntland wuxuu yimid kadib markii ay is afgarad arintaas la xiriira wada gareen Puntland iyo hogaanka ciidamada NATO.
Safarada tahriibta oo ah kuwo ay khatar badani ku dheehan tahay, islamarkaana ay dowladda Puntland dadaal badan u gashay sidii ay u joojin lahayd ayaa u muuqda kuwo sidii aad ah hoos ugu dhacay intii lagu guda jirey sanadkan 2012.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya
