Isniin, September 10, 2012 (HOL) — Xildhibaannadii horay loogu diiday inay ka mid noqon doonaan baarlamaanka Soomaaliya oo ay ku jiraan hoggaamiye kooxeedyadii hore ee Soomaaliya ayaa la dhaariyay maanta si ay uga qaybgalaan doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliya.
Mudanayaashan oo tiradoodu ahayd 20 xubnood ayaa waxaa go'aan kasoo gaaray guddi loo saaray arrintooda, iyadoo intii aan la dhaarin ka hor cod kalsoonida looga qaaday xildhibaannada baarlamaanka oo tiradoodu ahayd 242-mudane.
Codeyntii loo qaaday mudanayaashan ayaa waxaa ogolaatay 98 xildhibaan, waxaa diidday 85-mudane, sagaal mudane ayaa ka aamusay 50 xildhibaanna ma codeyn, iyadoo markaas kaddib uu guddoomiyaha baarlamaanka uu ku dhawaaqay inay yihiin ansax lana dhaarinayo.
Xildhibaannada la dhaariyay ayaa waxaa ka mid ahaa: Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish), Maxamed Qanyare Afrax, Maxamed Ibraahim Xaabsade, Sheekh Aadan Madoobe, Maxamed Xuseen Afaraale, C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi iyo xubno kale.
Xaruunta baarlamaanka ayaa waxaa hareeyay buuq iyo sawaxan markii guddoonka uu ku dhawaaqay in la dhaarinayo xildhibaannadii ay maxkamadda sare xukuntay inay ka mid noqdaan baarlamaanka, balse dadaallo badan kaddib waxaa la gaaray xal.
Mudanayaashan ayaa waxay tirada xidlhibaannada baarlamaanka ee dooranaya madaxweynaha Soomaaliya ka dhigayaan 262 xildhibaan, iyadoo lagu wado in isla maanta ay doorashadu soo gabgabowdo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Xildhibaannadii horay loogu diiday inay Baarlamaanka ka mid noqdaan oo Maanta la dhaariyay si ay doorashada uga Qaybgalaan
More News
- Dabaaldagyo lagu soo dhawaynayo madaxweynaha cusub oo laga dareemay Muqdisho iyo Puntland oo u hambalyaysay
- Xasan Shiikh Maxamuud oo ku guuleystay doorashadii Madaxweynenimada Soomaaliya
- Hay'adaha CPD iyo SOYDEN oo soo gabgabeeyay Barnaamij Tababarro lagu siinayay Dhalinyaro isugu jiray Gabdho iyo Wiilal
- Xisbiga UDUB oo Qaadacday ka qayb-galka Doorashada golaha Deegaanka, sheegayna inay Maxkamada dacwad u gudbinayaan
- Murashaxiin ka Tanaasulay ka Qaybgalka Doorashada Madaxweynenimo ee Somalia intii aysan doorashadu billaaban
- Ciidamada NATO ee ku sugan xeebaha Somalia oo Tahriibayaal ay soo Badbaadiyeen kusoo Wareejiyay Puntland
- Soomaalida ku nool caalamka dacalladiisa oo isha ku haya doorashada Madaxnimo ee Maanta ka dhacaysa Magaalada Muqdisho
- Natiijada wareeggii koowaad iyo wareegga labaad oo soo gabagaboobay (C/weli Gaas iyo C/qaadir Cosoble) oo iska casilay wareega seddexaad
- Shacabka Soomaaliyeed oo Doorashada Maanta dhacaysa ku tilmaamay mid Taariikhi ah Rajo wanaagsanna muujiyay
- Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta dooranaya Madaxweyne Afarta sano ee soo socota hoggaamiya dalka