4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 10, 2012
Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta dooranaya Madaxweyne Afarta sano ee soo socota hoggaamiya dalka
Isniin, September 10, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah dooran doona madaxweynihii dalka hoggaamin lahaa afarta sano ee soo socota, iyadoo doorahadan ay noqonayso tii ugu horreysay oo dalka ka dhacda muddo afartameeyo sano ka badan.


Murashaxiinta xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya u tartamaya oo tiradoodu ay gaarayso 24 ayaa waxaa dhexmari doona tartan adag, iyadoo murashax walba uu xildhibaanada ka akhriyay barnaamijkiisa siyaasadeed labadii maalmood ee lasoo dhaafay.

"Doorashadu waxay ka dhacaysaa dugsiga tababarka booliiska Muqdisho, waxaa ku sugan mudanayaasha baarlamaanka iyo murashaxiinta goor dhow ayaana la filayaa inay doorashadu billaabato," ayuu yiri Axmed C/samad oo ka mid ah wariyeyaasha HOL, isagoo maanta soo tabinaya sida ay doorashadu u dhacayso.

Madasha ayaa waxaa ku sugan wufuud caalami ah oo goobjoog ka noqonaya sida ay doorashadu u dhacayso, waxaana lagu wadaa in isla maanta lagu dhawaaqo madaxweynaha dalka afarta sano ee soo socota, iyadoo isla maanta loo dhaarin doono xilka.

Guddoonka baarlamaanka Soomaliya iyo guddiga doorashada ayaa sheegay inay u dhacayso doorashada si cad oo aan musuqmaasuq lahayn, waxayna shacabka ka dalbadeen inay qayb ka qaatana deggenaashaha inta doorashadu socoto.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay iyadoo jidadka waaweyn la dhigay ciidammo isugu jira milateri iyo booliis, waxaana sidoo kale goobta uu shirku ka dhacayo ku sugan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isugu jira milateri iyo booliis.

Shacabka ayaa waxay doorashada kala socdaan qalabka warbaahinta, waxayna si aad ah u sugayaan madaxweynaha kusoo baxaya doorashada oo hoggaamin doona dalka afarta sano ee soo socota, iyadoo laga baxayo xilliga KMG ah oo muddo dheer uu dalku kusoo jiray.

Tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991-kii kama jirin Soomaaliya dowlad awood leh, waxaana dalka uu marti u noqday mid ay kala qaybsadaan hoggaamiye kooxeedyo, wuxuuna sidoo kale soo maray dagaallo dhiig fara badan ay ku daateen.

Dadweynaha Soomaaliyeed ayaa rajo weyn ka qaba in dalka uu isbedeli doono kaddib doorashada madaxweynenimo, waxaana xubnaha doorashada ku tartamaya ay u badan yihiin dad ka yimid dibadda dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya