4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 7 , 2012
Al-shabaab oo sheegtay in Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ee la magacaabay uusan waxba ka duwanayn kuwii isaga ka horreeyay
Axad, Oktoobar 07, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya ayaa kasoo horjeesatay magacaabidda ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, iyadoo sheegtay inuusan waxba ka duwanayn ra'iisul wasaarayaashii isaga ka horreeyay.

Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Dheere oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters isagoo aan la ogeyn halka uu ku sugan yahay ayaa wuxuu sheegay inuusan waxba ka duwanayn ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya kuwii ka horreeyay ayna la dagaalmi doonaan.

"Ra'iisul wasaaraha cusub waxba kama duwana kuwii isaga ka horreeyay - Dhammaantoo waa kuwo ay reer galbeedku keeneen," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo intaas ku daray: "Waxba kama bedeli karo xaaladda Soomaaliya. waan la dagaalami doonnaa illaa aan xukuumaddiisa ka ridayno."

Hadalka Al-shabaab ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo laga qabsaday magaaladii ugu weynayd ee ay kaga sugnaayeen Koonfurta Soomaaliya oo ahayd Kismaayo iyo iyadoo shalay laga qabsaday degmo kale oo gobolka Shabeellada hoose ka tirsan.

Ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaan ka hadlin mowqifkiisa ku aaddan inay Al-shabaab la dagaalami doonaan iyo inay heshiis la geli doonaan, balse wuxuu sheegay inuu soo dhisayo dowlad awood u leh inay ka saaro dalka dhibaatada uu ku jiro.

Ururrada caalamiga ah, sida Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo dalalka xiriirka dhow la leh Soomaaliya ayaa waxay dhammaantood soo dhaweeyeen magacaabidda ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, iyagoo ballanqaaday inay la shaqeyn doonaan.

"Doorashadii lagu soo doortay guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweynaha waxay Soomaaliya u horseedaysaa in sharciga uu dib u soo laabto," ayaa caalamka laga soo xigtay; iyadoo sheegay in magacaabidda ra'iisul wasaaraha cuusb ay u tahay Soomaaliya guul kale.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa sugaysa howlo fara badan, kuwaasoo ay ka mid yihiin in ammaanka dib loosoo celiyo, dalkana dib loo dhiso, waxaana sidoo kale sugaya in dhaqaalaha dalka soo gala ay caddaadaan howlaha lagu qabanayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya