Axad, Oktoobar 07, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa ugu baaqay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya inay noqdaan kuwa ugu horreeya ee sharciga Ilaaliya, isagoo sheegay in looga baahan yahay inay muujiyaan sida ay uga go'an tahay inay dhowraan sharciga dalka u degsan.
Prof. Jawaari wuxuu sheegay in baarlamaanka looga baahan yahay inuu noqdo mid shacabka Soomaaliyeed u horseeda inay sharciga ku dhaqmaan; isla markaana uu gaarsiiyo dalka xilli ay shacabka Soomaaliyeed ay soo dooran karaan hoggaamiyaha ay doonayaan.
"Xildhibaannada waxaa looga baahan yahay inay noqdaan kuwo sharciga ilaaliya, waxaa loo baahan yahay xildhibaanku inuu bixiyo canshuurta gaadiidkiisa, inuu mar walba wato warqaddiisa aqoonsiga, sidoo kalena ay shaqaalahooda siiyaan warqado lagu aqoonsado inay u shaqeeyaan isaga," ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka.
Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka oo la hadlayay xildhibaannada ayaa xusay in looga baahan yahay baarlaamaanka inay si cad ula xisaatamaan dowladda dalka hoggaamin doonta, si loo tuso shacabka Soomaaliyeed inaysan jirin wax la is-daba-marinayo.
Baarlamaanka Soomaaliya oo ah kii ugu horreeyay ee joogto ah oo uu dalku yeesho tan iyo markii xukunka laga tuuray dowladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991-kii ayaa wuxuu ku dhisan yahay qaabka 4.5-ka ah ee ku saleysan beelaha, taasoo la sheegay inuu ku shaqeyn doono afartan sano oo keliya.
Xildhibaannada baarlamaanka oo tiradoodu tahay 275 mudane ayaa intooda badan lagu soo xulay aqoon, iyadoo ay ku jiraan hoggaamiye kooxeedyo markii hore loo diiday inay ka mid noqdaan baarlamaanka, balse muran dheer kaddib dib looga daray.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo xildhibaannada ugu baaqay inay noqdaan kuwa ugu horreeya ee ilaaliya sharciga dalka
More News
- Madaxweynaha Somaliland oo shir saddex cisho socon doono oo lagu qiimeynayo wax qabadka Xukuumadiisa la yeeshay golihiisa wasiiradda
- Hay’adaha HARO iyo ARC oo gurmad deg deg ah la gaaraya dadkii ku waxyeelloobay Fatahaaddii Webiga Shabeelle ee Beledweyne
- Al-shabaab oo sheegtay in Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ee la magacaabay uusan waxba ka duwanayn kuwii isaga ka horreeyay
- Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM oo la Wareegay Gacan ku haynta degmada Wanlaweyn
- Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo dowladda Britain oo soo dhaweeyay Magacaabidda Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya