9/23/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 7 , 2012
Hay’adaha HARO iyo ARC oo gurmad deg deg ah la gaaraya dadkii ku waxyeelloobay Fatahaaddii Webiga Shabeelle ee Beledweyne


Axad, October 07, 2012(HOL): Hay'adaha HARO iyo ARC ayaa  xalay magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ku qabteen Xaflad lacag aruurin ah oo loogu gurmanayo dadkii ku waxyeelloobay fatahaaddi webiga Shabeelle ee khasaaraha geysatay ee usbuucii hore ka dhacday gobolka Hiiraan magaalada Beledweyne.

 

Waxaa xafladaaas dhaqaale uruurinta ah  ka soo qabgalay dad aad u faro badan oo ka kala yimid Minneapolis iyo magaalooyinka ku dhaw dhaw. Furitaan Kii xafladda waxaa ka hadlay Sheekh Mohamed Idiris oo runtii sheegay ahmiyadda ay leedahay u gaargaarida dadka ay lasoo gudboonaatay  masaa’ibtan oo kale iyo in loo baahan yahay sida ugu dhaqsiyaha badan inaan wax uga geysanno dadkaas walaalaha ah ee xaaladda adag ku jira.

 


Waxaa sidoo kale ka hadlay Madaxa sare ee hay'ada American Refugee Committee ARC Daniel Wordsworth, wuxuuna  sheegay in ay ha'addoodu tahay hay'adda kaliya ee Amercan ah oo saldhig ku leh magalaada Muqdisho, Islamarkaana la socota xaaladda rasmiga ah ee ka jira gudaha Soomaliya sida Daadadkaan ka dhacay magaalada Beledweyne. “Waxaa hadda qorshaha noogu jirta sidii aan gacan u siin lahayn dadkaas dhibaateysan” ayuu yiri madaxa hay'ada ARC Daniel wordsworth.

 

Waxaa kaloo asigana ka hadlay Madaxa hay'ada HARO Hassan Jama(H. Dhooye) oo sheegay in ay hay’addooda qorshaynayso sidii ay ugu gurman lahayd dadkaas, ayna hay’addooda labo maalmood gudahood ku tegi doonto magaalada Beledweyne, iyagoo sida uu yiri iska kaashan doonan hay'adda kale ee ARC, sidaas darteedna wuxuu xusay in loo bahan yahay in Soomaalida mar kasta ay dhinac istaagaan hay'adaha gargarka kana geystaan wixii karaankooda ah.

 


Waxaa kaloo munaasabadda ka hadlay Dr. Omar Yusuf Nuur wuxuuna tilmaamay kaalinta looga baahan yahay bulshada Soomaliyeed markii ay dhacaan dhibaatooyinka ku saabsan masaa'ibta iyo sidii ay ugu qayb qaadan lahaayeen. Dr Omar waxaa uu dhammaan hay'adaha gargaarka ee saldhigooda yahay Minnesota ka codsatay sidii ayagana u dhinac is taagi lahaayeen haydahan HARO iyo ARC. waxaa uu kaloo uu hadalkiisa ku daray in ka bulshada reer minnnesota ay waxii ay awoodaan ay ku taakuleen doonaan.

 


Ugu dambeyntii hay'adaha HARO iyo ARC ayaa xalay dhiirigelin weyn ka helay bulshada reer Minnesota. iyadoo labada hay'adood ay tagi doonaan usbuucaan dhexdiisa magaalada Beledweyne, gacan weynna ka geesan doona khasaarahaasi ka yimid fatahaaddii usbuucii hore ka dhacday magaalada Beledweyne. Haddaba iyadoo ilaa iyo hadda uu yar yahay gargaarka la gaarsiiyay dadkaas dhibaateysan ayaa xafladdan dhaqaale uruurinta ee xalay lagu qabtay Minneapolis waxaa ay  ka qayb ahayd sidii  dhibatadaas wax looga qaban lahaa, waxaana dhammaan bulsha weynta Soomaliyeed looga  baahan yahay inay ayagana dhinac istaagaan hay'adahan HARO iyo ARC.

















Click here
10/7/2012 5:44 PM EST
Axad, October,07, 2012 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland, Md: Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa xafiiskiisa shir saddex maalmood socon doona kula yeeshay wasiiradiisa, kaas oo lagu qiimeyn doono mudadii ay taladda la wareegeen wixii u qabsoomay, wixii ka dhiman iyo sababta u qarsoomi waayeen.

10/7/2012 5:10 AM EST
Axad, Oktoobar 07, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya ayaa kasoo horjeesatay magacaabidda ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, iyadoo sheegtay inuusan waxba ka duwanayn ra'iisul wasaarayaashii isaga ka horreeyay.

10/7/2012 4:18 AM EST
Axad, Oktoobar 07, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa ugu baaqay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya inay noqdaan kuwa ugu horreeya ee sharciga Ilaaliya, isagoo sheegay in looga baahan yahay inay muujiyaan sida ay uga go'an tahay inay dhowraan sharciga dalka u degsan.

10/7/2012 4:09 AM EST
Axad, Oktoobar 07, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa shalay gallinkii dambe la wareegay gacan ku haynta degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada hoose oo 90-km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

10/7/2012 3:48 AM EST
Axad, Oktoobar 07, 2012 (HOL) — Beesha caalamka ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid), kaasoo madaxweynaha Soomaaliya uu u doortay inuu noqdo ra'iisul wasaaraha xukuumadda lasoo dhisayo ee Soomaaliya.