4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 7 , 2012
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM oo la Wareegay Gacan ku haynta degmada Wanlaweyn
Axad, Oktoobar 07, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa shalay gallinkii dambe la wareegay gacan ku haynta degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada hoose oo 90-km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Mas'uul ka tirsan maamulka gobolka Shabeellada hoose oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa caawinaya ee AMISOM ay si rasmi ah ula wareegeen Wanalweyn iyo deegaannada u dhexeeya degmadaaas iyo degmada Afgooye.

"Dagaal kama uusan dhicin degmada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM si nabadgalyo ah ayay kula wareegeen, saakay xaaladda degmadu waa mid xasilloon," ayuu yiri Axmed oo ka mid ah dadka deegaanka, iyadoo aan la ogeyn halka ay aaadeen xoogaggii Al-shabaab ee gacanta ku hayay degmadaas.

Saraakiisha hoggaaminaya ciidamada dowladda ee la wareegay degmadaas ayaa sheegay inay fariisimo ka sameysteen dhinaca waqooyi ee degmada, qorshuhuna uu yahay inay socdaa illaa ay degmada Buur-hakaba ee gobolka Bay ka gaarayaan.

Degmadan ayaa waxay noqonaysaa degmadii saddexaad oo ka tirsan gobolka Shabeellada hoose oo xoogagga Al-shabaab laga qabsado tan iyo billowgii sannadkan, iyadoo horay looga qabsaday degmooyinka Afgooye iyo Marko.

Qabsashada degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada hoose ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo madaxweynaha Soomaaliya uu magacaabay ra'iisul wasaare cusub oo soo dhisi doona xukuumad, kaddib marka uu kalsooni ka helo baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya